KALA-MAAN (FREE)

HORDHACA BUUGA

Shirkii Landhan ee Soomaaliya ee 2012kii, beesha caalamku waxa ay Soomaaliland iyo Soomaaliya u soo jeedisay in ay wadahadlaan si ay u caddeeyaan xidhiidhkooda mustaqbalku sida uu noqonayo, iyaga oo ballan qaaday in ay taageero ka geysan doonaan qabsoomidda wadahadalladaas. Qodobka 6aad ee warmurtiyeedka oo ka tirsanaa qaybta siyaasadda waxa uu u dhignaa sidan: "Shirku waxa uu garawsaday baahida loo qabo in beesha caalamku ay taageerto wadahadal ay Soomaalilaand iyo Dawladda Ku meel Gaadhka ah ee Soomaaliya ama beddelkeedu isla gartaan in ay bilaabaan, si ay u caddeeyaan [ama go'aan uga gaadhaan] xidhiidhkooda mustaqbalka". Shirkii Landhan ka dib, lix wareeg ayaa ka qabsoomay Landhan, Dubay, Ankara, Istaanbuul (labo goor), iyo Jabuuti.

Wareeggii 7aad ee Istaanbuul ka qabsoomay oo lagu kala kacay ayaase horseeday burburka guud ahaan wadahadallada. Buuggani waxa uu si xeeldheer u baadhayaa wadahadallada Soomaalilaand iyo Soomaaliya ee bilowday 2012kii isla markaana burburay 2015kii. Buuggu waxa uu is dul taagayaa sida ay ku bilowdeen wadahadalladu, geeddi socod koodii, burburkoodii, sababaha keenay burburka, dedaalladii dib u bilaabidda wadahadallada ee la sameeyey, mustaqbalkoodu sida uu noqon karo, iyo saamaynta wadahadalladu ay ku yeesheen qadiyadda Soomaalilaand. Sidoo kale waxa uu buuggu soo bandhigayaa aragtiyo iyo qaddiyado la xidhiidha goosashada, aayo ka tashiga iyo wadahadallada. Dhanka kale, buuggu waxa uu dib u milicsanayaa sooyaalka Soomaalilaand iyo Soomaaliya.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 198 Page
Size: 3 MB

3 thoughts on “KALA-MAAN (FREE)”

  1. Τhanks , I have recently been searching for info approximatelү this subject for a long time
    and yours is the greatest I’ve came upon so far.

    However, what concerning the conclusion? Are
    you certain concerning tһe source?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *