JIMICSIGA JIRKA (FREE)

Faa'idada Jimicsiga

Jidhku waa qaybta ugu muhiimsan ee aadamaha iyo noloshiisa kaas oo mudan ilaalin iyo ka war hayn joogta ah, si looga hor tago waxyaalaha uu qofku isku sababi karo inay gaadhaan. Hadaba adiga iyo aniguba waynu jecelanay inaynu helno jidh caafimaad qaba oo tayo leh bilicina ku lamaan tahay, si aad jidhkaa qurux badan ee caafimaadka qabana u helo waa inaad jimicsataa oo iska ilaalisa cuntooyinka caafimaadka u daran.

Faa’idooyinka jimicsiga uu leeyahay waxa kamida:

1. Ka caabinta jidhka xanuunada:

markaad leedahay jimicsi caadiya (routine), ama aad si joogte ah u jimicsatid waxa ku kordhaysa awoodada iska caabineed ee dhinaca xanuunada jidhka iyo kuwa guudba. Durayga iyo xanuunada la midka ahina si fudud kuugu dhici maayaan. Jimicsigu wuxu kordhiyaa waxa loo yaqaano (immunoglobulin) oo ah borotiin kor u qaada difaaca jidhka.

2. Kor ayuu u qaadaa awooda qofeed (energy):

Marka aad hawl yar ama mid badan qabatay, waxaa kuu fududaaday hawl qabashada oo si fudud ayaad u dhamayn karaysaa adoon daal dareemin.

3. Kor ayuu u qaadaa kalsoonida qofeed:

Jimicsi maalin leh oo aad samayso waxa uu joogto aadyar u kobcinayaa kalsoonidaada qofeed ee gudeed iyo dibadeedba, isla markaana waxa uu hoos u dhigayaa streeska ku haya. Sidoo kale qanjidhka loo yaqaan (pituitary gland), ayaa soo daynaya kiimikalo (chemicals) ay ka mid tahay (endorphin) oo niyada ku dajinaya kaana farxinaya, marba heer.

4. Jidhka ayuu iftimiyaa:

Markaad jimicsatid dhiigaaga ayaa si wanaagsan oo xawaarihiisu sareeyo ku wada gaadhaya jidhka. Sidoo kale ogsajiin (oxygen) intii hore in ka badan ayey heli doona oo gaadhi doona unugyada haraga ah oo sababi doonta inuu jidhkaagu iftiimo.

5. Waxa uu ka hortagaa biyo baxa dagdaga ah:

Labada cudur ee badi dhalintu ka cabanayaan hadda waxa ay u qaybsamaan.

1. Cudurada ku dhaca nafsada (spirit),

Maskaxda (brain) iyo hab dhiska dareemada (nervous system) dhamaantoodna waxa lagu soo daraaseeyaa, cudurada nafsiga ah ee maskaxda(Psychological Brain Diseases).

2. Cudurka loo yaqaan biyo baxa degdega (Premature Ejaculation).

Labadaas cudur ee waayadan dhalinyarada faraha ku haya waxa la ogaaday inuu jimicsigu daawo uyahay.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 31 Page
Size: 800 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *