JACEYL AAN DHAMAAD LAHEYN PDF

HORDHACA BUUGA

Guurka waxaa loogu talagalay, in lagu muujiyo Jacaylka aan shuruudda iyo danaha goonida ah aan laheyn. Waa jacayl markasta kordha mana lahan meel uu ku dhamaado. Marka lamaanaha ay isku guursadaan, iyaga oo isku qanacsan, waa farxadda ugu awoodda badan ee la dareemo,

Guurkuna waa guusha jacaylka, waa bilowga qoyska, waana xarig guntin si adag loo suntay oo ballanqaad nololeed ah. Ma rabtaa in aad dhisato jaceyl aan dhammaad laheyn? Ma yahay jaceylkan midkii aad rabtay in aad ku noolaato? Buuggan, waxaan kuugu soo koobay, wax walba oo aad u baahan tahay, si aad u xulato lammaanaha kugu haboon iyo sidii aad uga dhigan lahayd guurkaaga mid ku dhisan kalgacayl iyo naxriis.

Dhiganahan wuxuu kaa caawin doonaa waxyaabaha aad ka ogaan kartid xilliga shukaansiga iyo xaqiiqada dhabta ah ee qofka kale, adiga oo aan la dhaqmin iyo sida loo ogaado qofka sida dhabta ah kuu jecel. Sidaasi oo kale waxa aad dhiganahaan kaga bogan doontaan, marka aad guursataan waxyaabaha keena farxadda joogtada ah ee lammaanaha, iyo sida marka ay is faham daro timaaddo aad ugu dhax bixi laheydeen si wadajir ah.

Haddaba buuggan, markii aan qorayey, waxa aan xoogga saaray, in uu noqdo mid si fudud qofkasta ugu hagi kara liibaanta nolosha guurka, sidaa darteed, waxaana in badan ku mashquulsanaa, in aan kulmiyo aragtiyada iyo daraasadaha laga sameeyay guurka ka hor iyo ka dibba, aniga oo mar kastana kaashanayay khibraddeyda Shakhsiyadeed iyo khibaradaha dadka ku xeel dheer arrimaha shukaansiga iyo haasaawaha,

kuwaasi oo haddii aan si kale u dhahana noqonaya waddada rajada ee loo sii maro xodxodashada iyo aayatiinka guurka. Ujeeddada aan u qoray buuggan: Markii aan arkay, dhallinyaro fara badan oo aan saaxiibbo nahay rabana, in ay guursadaan, haddana ka baqanaya guurka, sababta oo ah, waxa ay dhibaato ka heystaa, sidii ay u xulan lahaayeen lammaanaha dhabta ah ee ku habboon, in ay nolasha la wadaagaan,

sidoo kale markii aan la soo kulmay wiilal fara badan oo aan saaxiibbo nahay iyo gabdho aan is naqaanno oo aan qaarkood goob joog u soo ahaa guurkooda, kuwaasi oo aan gadaal ka maqlay, in ay kala tageen ama uu calafkoodu muddo gaaban ku soo dhammaaday. Marka ay arrintu sidaa tahay, waxaan is tusay, in ay jirto baahi bulshadeed loona baahan yahay, in la qoro Buug wacyi gelin ah,

kaa soo qof kasta oo raba, in uu guursado ku jiheynaya waddada ugu fudud ee uu ku dooran lahaa lammaanaha saxda ah ee ku habboon iyo weliba lammaanaha is guursaday, sidii ay noloshooda u noqon lahayd mid ku dhisan Jacayl, ixtiraam, kalsooni, amaano, wadajir, tixgalin, tanaasul iyo is kaalmeyn.

Sidoo kale, waxaa aad iyo aad i sii dhiirri geliyay xadiiska Nabiga S.C.W ee uu ku leeyahay: "Allaah wuu caawinayaa addoonka inta uu yahay mid garab taagan walaalkiis". Ma jirto adduunka wax aan ka jeclahay, in aan arko qoysas Soomaaliyeed oo Buuggeyga u horseedo jacayl & horumar joogta ah.

Waxaan Alle (s.w.t) ka rajeynayaa, in uu Buuggan ka yeelo hagaha rasmiga ah ee guur doonka iyo in uu ka dhigo Buug ay lammaanaha is guursaday ku kaalmeystaan, sidii ay ugu wada noolaan lahaayeen nolol tan ugu degganaashaha badan oo ay ku dheehan tahay isku kalsooni qab farxad iyo jacayl wadaag ah.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 117 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *