IS DHEXGALKA AQOONTA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Is-dhex-galka aqoonta

Weedhan waxa loola jeedaa in qaabka ay maanta aqoontu u kala taallo ee ay u kala edagaysan tahay, laga badalo oo la isku dhafo. Tusaale: Jaamacadaha waxa lagu dhigtaa kulliyado kala duwan oo mid walba uu ardaygu ku qaato muddo dheer oo aan u dhigmin xogta kooban ee uu aqoonta ka helay, marka uu ka baxo kulliyadaana uu isu yaqaano - sida badan- qof aqoonti bartay oo aan wax kale u baahnayn. Markaa dhiganehani waxa uu keenayaa Mashruuc ah in aqoontan madaxa la isu galiyo, sidi ay isu raaci karaanna la isu raaciyo culuumta, oo uu ardaygu awood u yeesho isla muddadi uu hal kulliyad kaga bixi jiray in loogu dhigo aqoonti lagu dhigi jiray saddex kulliyadood oo kala gaddisan, sidaasna uu qofku kaligii u dhigmo saddex qof oo ka ku kala takhususay saddex fiil oo ka mid ah fiilalka aqoonta ama ka badanba.

Qisadayda Dhiganehan

Sanadkii 2020 ayaa aan xarunta cilmi-baadhista iyo waxabarshada ee Namaa’, waxa aan iska diiwaangaliyey Cilmu-nafsiga. Ka dibna maamulka xarunta ayaa waxa ay dhaheen inta aan waxbarshada la idiin bilaabin waxa aad maraysaan Tijaabo la idinku kala saarayo, waxaana uu ardaygu kala dooranayaa:

- In uu cilmi-baadhis sameeyo.
- Iyo in uu dhigane akhriyo, ka dibna uu Imtixaan ku galo.

Anigu waxa aan ku jiray ardaydi dooratay in ay dhiganeha akhriyaan, Alle mahaddii dhiganihi nalagu yidhi akhriya waxa uu ahaa kan aynu soo koobayno ee (Is-dhexgalka aqoonta iyo dhammaadka Takhasuska). Waxa ay maamulka xaruntu noo sheegeen in aanaan ogolaansho u haysanin in aanu faafinno oo aanu cid kale la wadaagno dhiganehan, waxa markaa wax badan maskaxdayda ku soo noqnoqanayey Mashruucan badbaadiyeha ah, ee muhiimka u ah aadanaha maanta nool, si gaar ah dadka muslimiinta ah ee lanoo diiday in aanu u faafinno dhigane-haas dheemmanka ah iyo sida ay dadkayga soomaalida ahi si gaar ah ugu sii baahanyihiin. Waa aan iska daayey, oo sidi ayaa aan u haystay dhiganahan, marki ay ka soo wareegtay laba sano ayaa aan mareegaha Enternatka ka baadhay; inlayn kan aan haysto ogolaansho uma haystee, wax aan baadho oo kolba Wabsite been ii sheego oo inta ay magaca dhiganeha qoraan PDF raaciyaan, lingaxyo aan jirin oo ujeedkoodu yahay kaliya in aan iyaga dhex imaaddo oo aan ku habaabo waxyaabaha ay ku baahiyeen bartoodaba kama danbaysti Wabsite baan ka helay, kii oo la ogalaaday in la faafiyo. Marki baan farxad kala batay oo aan arkay in bulshadayda soomaalida ah uu guul mustaqbal u yahay.
Aqris wacan oo ka faa'ideyso buug yarahaan.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 41 Page
Size: 282 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *