SIRTA ILXAADKA (FREE)

HORDHACA BUUGA

ILXAADKA AMA ALLADIIDKA

Soomaalida waa bulsho ku caan baxday islaamnimada iyo in aysan rumeysneen ama ka jirin diin aan islaamka aheyn, waxa ay ahayd bulsho ku ad adag ku faanida iyo sheegashada lahaanshaha islaamka diin ahaan, iyo iney ka mid tahay bulshooyinka yar ee dunida ka jira laguna tiriyo inay 100% muslim yihiin. inkastoo ay jiri jireen tira yar oo soomaali ah oo lagu sheego iney gaaloobeen oo diin aan islaamka aheyn qaateen, ama diintii islaamka katageen, hadana ma gaarsiisneyn tira sugan oo 1% lagu tilmaami karay, waxa ayna ahaayeen dadkaasi dhowr qaybood:
Dad ay daruufo nololeed u geysay in ayagoo yar-yar ay kusoo barbaaraan gacanta hey'ado Kirishtaan ah oo dalku ku lahaa xarumo adeegyo caafimaad iyo waxbarash lagu hoos qarin jirey faafinta diinta kirishtaanka.
Dad mudda hore dalka ka dhoofay, ama u shaqeenayey gumeystihii sidaasna ku qaatay diinta kirishtaanka. Dad ubadan saraakiishii ciidanka ee xiligii dowladihii milateriga iyo tii rayidka ee ka horeysay tababar loogu direy dalalkii shuuciyada ee midawga soofiyeeti horkacayey, kuwaas oo soo laabtay ayagoo Alla diid ah ama meel iska dhigey ku dhaqanka diinta, Kuwaasi oo inta badan sanado ka dib ku soo laabtay islaamka, wixii ka dhaceyna u arkay gabi dhac dhalinyarnimo.
Sidoo kale intii burburki dalka ka dhacey oo in badan oo Soomaali ah u hayaameen dalal shisheeye waxaa jirey tira yar oo Somali ah oo sheganeysay inay diinta karishtaanka qaateen, laakiin ma aheyn tiro miisan leh.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 50 Page
Size: 453 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *