IFIYAHA NOLASHA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Ka dib markaan aqriyey kitaab uu qoray qoraaga lugu magacaabo caa’id al-qarni kitaab kaasoo lugu magacaabo حتى تكون اسعد الناس wuxuuna kaga hadlayaa xikmado muhiim ah iyo erayo dhiira galin ah, sidaas darteed waxaan go’aansaday in inta ugu muhiimsan oo allah ifahamsiyey u tarjumo afka somaliga si ay ugu faa idaystaan xikmadaha dhiiri galinta ah dadka muslimiinta ah ee somaliyeed.

eREYO DHIIRIGELIN AH

- iimaanku wuxuu tagsiyaa muragada iyo dhibta waana il qabowsiga muwaxidiinta (kuwa alla kaliyeelay).
- Wixii tagay way tageen haka fikirin waxa dhamaaday ee tagay.
- Hadaad waa bariisato ha sugin galabaysi, ku kulmi hamigaaga hagaajinta maalintaada.
- Ka tag waxa mustaqbalka imaanaya ilaa uu ka yimaado, ha danaynin Beri maxaa yeelay hadaad maanta wanaajiso Beri ayadaa wanaagsanaanayso.
- Laazim socodka iyo jirdhiska, ka dheerow caajiska, ka tag firaaqada iyo shaqo la’aanta.
- Ugu mahad noq rabigaaga nicmada uu ku siyey, ugu mahad noq nicmada diinta, caqliga, caafimaadka, maqalka, aragga, rizqiga…..
- Miyaadan ogoyan in dadka ay ka mid yihiin kuwo waayey caqliga ama caafimaadka ama maxbuus ah ama imtixaamaysan.
- La noolow qur’aanka adigoo xifdinaya, aqrinaya, ku tadaburaya, taasi waa dawo midda ugu ween ee lugu cayriyo muragada iyo dhibta.
- Alle tala saaro u dhiibo taladaada oo idil, ku raali noqo xukunkiisa, asaga magan gal, ku tiirsanow isaga ayaa ku kaafinaya.
- Cafi cidda ku dulmisay, xiriiri cidda ku jartay, sii cidda wax kuu diiday, udulqaado cidda ku xumaysay waxaad helaysaa farxad iyo amni.
- Ogow in culayska ka danbeeyo fudeed, dhibtana ka danbeeso faraj. xaalada sidaan masii ahaanayso, maalmuhu way wareeganayaan.
- Ku farax sida alle kuu dooray maxaa yeelay adiga ma ogid sida maslaxada kugu jirta waxay noqon kartaa in dhibta kaaga khyr badan tahay barwaaqada.
- Imtixaanka aduunyada wuxuu kuu dhaweynayaa allah wuxuu ku barayaa ducada, wuxuu kaa tagsiyaa kibirka iyo faanka.
- Ka dheeraw mala xumada, tuur ismoogaysiiska sidoo kale ka dherow waxyaalaha xun iyo fikradaha jiran.
- Ogow inaadan dhibtu kaligaa ahayn, cidna Kama badbaadin muragada iyo dhibatooyinka.
- Yaqiinso inay dunida tahay meel imtixaan ku qaabil xaaladeeda allana u kaasho.
- Ka fakir dadka kaaga horeeyey nolashaan, waxaa ka mid ahaa dad la dheereeyey, la xabisay, la dilay iyo dad la imtixaamay.
- Wax kastoo ku asiiba ajarkiisa Allah ayaa ku siinaya oo ka mid ah murugta, dhibaatda, xanuunka, faqriga iyo gaajada……….
- Hala fariisan dadka carada badan, xaasidiinta ah maxaa yeelay waa dad xambaarsan murugo iyo dhib.
- Ku ilaali salaadaha inaad ku tukato jamaaco, badi ku nagaanshaha masjidka, ka caado dhigo u dagdagida salaadaha waxaad heleysaa farxad iyo sacaado.
- Waxaan kaaga digayaa dunuubta, iyada ayaa ah halka ay kasoo burqato murugta, waxay sababtaa musiibooyin.
- Yuusan ku saameynin hadalada xun ee lugu dhahaayo maxaa yeelay waxay dhibaysaa qofka dhahay ee adiga kuma dhibayso.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 53 Page
Size: 1 MB

1 thought on “IFIYAHA NOLASHA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *