HORMARI NAFTAADA PDF

HORDHACA BUUGA

Buuggaan waa buug kooban kana hadlaayo sida aad guul ugu gaari laheed nolosha. waxa uu kugu hagayaa buugan wadooyin sax ah hadii aad raacdana aad dheefi doontid. In aad hormarto amaba aad dib u dhacdo waxaa u sabab ah marwalba sida aad adiga u qorsheysato, habka aad u noolaan laheed. Mararka qaaar waa ay adagatahay in aad ka celiso naftaada waxyabaha ay jeceshahay. Buugan waxaan kugu tusi doonaa tusaaloyin wax badan, noloshada ka badali doono insha allah. Qofka marka uu alle Swt ku xirnaado wax walba waa ay u sahlanan doonaan.

Buugaan ayaa ka hadlaayo Hormarka nolosha qofka beni aadamka. Waxa uu ku siinayaa wadooyin kuwa maray ay ku guuleesteen. Sido kale waxa uu kuu sheegi doonaa wadooyin ay adagtahay hadii aad marto aad guuleysato. Qof walba oo naga mid ah waxa u jecel yahay in uu dhan walba ka hormaro sida Waxbarashad, Caafimaadka,Cuntada, Jirka. Balse ma isweydiinay maxaa sababo marka aan helno,ama aan weyno. Waa su'aal qof walba in uu isweydiiyo mudan tahay.

Waa maxay guul?

Ugu horeyn maadaama aan nahay dad musliim ah, guul waxaan u aaminsanahay dadka maalinta aaqiro, galo janada in ay noqdeen dad liibaanay (Guuleystay). Sidaas darteed qofka muslimka marwalba waxaa, muhiim ah in uu ku saleeyo guushiisa ay noqoto, maalintaas aysan ku koobnaanin maanta kaliya oo ah, aduunyada aan saaranahay.

Guul: Waa adiga uu ku guuleystay wax aad ku hamineysay mudooyin badan ha ahaato waxbarasho, shaqo, guur intaba. Sidaas darteed waxaa dhihi karnaa qofka marka uu helo wax uu ku taamayay muddo caadiyan waxa uu gaaray halka uu rabay wuuna xaqiijiyay guushiisa haku helo si dhib yar ama si adag qofkaas waxa uu hantiyay guushiisa.

Kasoo qaad qofka marka uu qalin jabiyo waxaa dhahnaa hambalyo sababta ma garaneysaa? qofkaas meel uu mudo rajeynayay ayuu gaaray waa muhiim in aan dhahno waad guuleysatay hambalyo, guusha laguu shegayo waa intaas aan ku weydiiyo, marka si laguu dhaho hambalyo mataqaana halka aad u socoto iyo shaqada aad hada heyso mise, ma ogtahay hadafka aad nolosha ka leedahay?
Qof walba ee naga mid ah waxa uu jecel yahay in uu nolosha meel sare ka gaaro, saas uu ay tahayna, dadaal ayaa la is dheer yahay, bal kawaran hadii aadan waxba qabanin 24saac walba, maxaa filaneysaa maalinta xigta, sidoo kale bisha xigta. Waa waxba sababta oo ah ma adan shaqeyn waqtigaas, sidaas darteed rajadaada waa mid aadan waxba ku, heleynin. haddii aad sii wado sanad kawaran wali, waa waxba. Sidaas darteed kafaa’ideyso ilbirqsi walba ee ku soomara. Guusha dhan ayaa ah in aad waqtigaada kafaa’ideysato...
Si aad u guuleysato marka hore lahaaw hadaf iyo ujeedo markaas ku dhaqaaq waxaa hubaal ah in aad hanan doontid waxaa suurtagal ah in ay kugu qadato waqti balse haddii aad sabarto oo u dulqaadato, waxba maahin waad gaareysaa.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 71 Page

2 thoughts on “HORMARI NAFTAADA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *