HOGAAMI NAFTAADA PDF

HORDHACA BUUGA

Akhriste ogsoonow in aad Maanta gacantaada ku hayso oo aad akhrinayso dhigane loogu wan qallay HOGGAAMI NAFTAADA. Waana mid kuu buuxin doona galdaloolooyinka badan ee aad nolosha in badan u raadinaysay xal, iyo inaad wax ka ogaatid waayahaaga nololeed. Akhriste waxa laga yabaa in ay maskaxdaada wax badan ka dhex guuxayaan.

Sheeko xikmad ah: su’aalaha aad is waydiinayso

Waxaa jiri jiray oday baadiyaha deggan, maalin waxaa ka xanuusaday dameerkii uu lahaa. Lexo jecladii uu ka qabay ayuu u geeyay xannaanada xoolaha, si uu dawo ugu soo qaado. Markii uu geeyey kadib dameerkii waxa loo soo qoray kiniini, waxa aanu dhakhtarku ku idhi aroorta tuunbo soo qaado dabadeed afka u gali, uguna dhex rid kiniinka, kuna afuuf si uu dameerku u liqo. Aroortii markii ay gaadhay ayaa uu odaygii dameerkii isku dayay inuu siiyo kiniinkii isaga oo maraya dariiqii uu ugu sheegay dhakhtarku in uu dawada ku siiyo. Isla markii uu odaygu isku dayay in uu ku afuufo kiniinkii ee uu tuunbadii afka u saaray, ayaa uu dameerkii kaga horeeyay oo uu isaga ku afuufay, sidaana odaygii waxa uu ku liqay kiniinkii.

Ujeedkayga sheekadan waa maxay?
In aanu adiga shaydaan kaaga horrayn oo aanu kugu afuufin weydiimo iyo caajis badan. In badan waxa iswaydiin leh ama u baahan jawaab ujeedka aan u qoray buug la yidhaa HOGGAAMI NAFTAADA.

SHEEKO XIKMAD AH:
Sababta aan u qoray Buugga.

Oday reer miyi ah ayaa magaalada u yimid sidii uu u iibin lahaa laba laxaad oo uu lahaa, iyaga oo saarnaa halka danbe ee gaadhiga lagu soo qaaday. Nasiib darro markii uu magaalada soo gaadhay waxaa helay laba tuug oo khatar ah. Waxaanay u kuur galeen dadaal ah inay farsameeyan odaygan iyo labadiisa laxoodba. Ugu danbayntii way ku guulaysteen, isaga oo aan war ka hayn ayaa inyar kadib waxa u yimid mid ka mid ah tuugtii oo waraystay ujeedka uu magaalada u yimid. Tuuggu isaga oo iskaga dhigaya qof aan waxba ogayn ayuu u tilmaamay in aanu wadan laba laxood!. Waxa uu tuuggu yidhaa bal waa intaas oo kaaga soo hadhaan halka danbee dib ugu noqo anigu aan kuu sii hayo dameerkee. Wuu iska soo laabtay haddana dameerkii waa la kaxaystay!.

Isaga oo murugaysan ayuu dul tagay ceel, waxaanu arkay nin ooyaya! Waxa uu weydiiyay su’aal ah maxaa ku helay? Wuxuu yidhi: waxaa igaga dhexdhacay ceelka boorisadii lacagta! Waxaanan siinaya kala badh lacagta qofka iiga soo saara. Farxad, oo imisay ahayd? Wuu xisaabiyay waxa u soo baxday lacag ka badan intii uu rabay. Waxa uu u sheegay inuu ku dhex dhacayo soona qaadi doono balse uu isna balanka oofiyo. Dharkii ayuu sii dhigtay waan ku dhaxdhacay. Muddo saacad ah kadib ayuu ka soo baxay isaga oon waxba sidin oo waayay. Balse maba joogo ninkii! dharkii uu sii dhigtayna maba yaallaan!! Waaba yaabka yaabkiiye kaliya waxa ku soo hadhay dharkii uu hoosta ka gashanaa uun.

UJEEDKA SHEEKADAN XIKMADA AH.

Waxay ka turjumaysaa ama ay matalaysaa xaaladda iyo marxalada aan ku sugannahay oo ah mid layaab iyo naxdin badan. Waxaa kaliya ee inoo hadhayna yahay gashadkii hoose, waxkastana la inaga qaatay maskaxdii, khayraadkii, dhallinayaradii, haweenkii iyo caruurtiiba. Waxaanan garan waynay sababta aan u noolnahay, waxaan garan waynay sababta aan wax u barano, waxaan garan waynay u jeedkeena iyo ahdaafteenna intaba. Dhiganahan waa mid ka duwan kuwo kale waayo anigu umaan qorin inaan magac ku helo, lacag iyo waxkalaba. Balse waxaan u qoray kaliya inaad Noloshaada ku Hogaamiso, una noqdo bulshada badbaado cidkasta oo u baahan dhiirrigalin, garab istaag, caawin, wax sheeg, talo iyo tusaalaba. Inaan badbaadino inta jaanis ama fursad ee inoo hadhay kana soo saarno wanaag iyo horumar ballaadhan oo hore u socodka naftaada ah.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 108 Page

2 thoughts on “HOGAAMI NAFTAADA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *