Buugan oo ah buuggii ugu horeeyay ee noociisa ah ee afka soomaaliga
ah lagu qoro ayaa waxaa igu dhaliyay arimo ay ka mid yihiin:
- Baahida ardayga sanadka 1-aad ee jaamacadda uu uqabo garab
iyo latalin daacad ah. - Cabsida iyo walwalka ardayga uu ku nool yahay sanadka 1-aad
ee jaamacadda oo badankeed ah wax uu ka gudbi karo.
- Dhaqan jaamacadeedka iyo qaabka waxbaridda oo ah mid ku
cusub kuna adag ardayga sanadka 1-aad ee jaamacadda. - Baahi dheeraad ah oo aan u qabo caawinta ardayda walaalahey
ah, iyo in aan u iftiimiyo culeyskii aan soo maray aniga
xilligeygii sanadka 1-aad ee jaamacadda.
Ka Hor Jaamacadda
Markii aad soo dhamaysato Dugsigaaga sare, ka hor intaadan dooran
jaamacad waa in aad Qaadataa go’aan aad iyo aad muhim ugu ah
noloshaada – waana in aad doorataa xirfadda ama shaqadaada
mustaqbalka, hadaba markii aad ogaatid waxa ay tahay xirfaddaadu
ayaad waxaad ku dhaqaaqaysaa go’aamadan soo socda .
- Doorashada Takhasuska aad Baran lahayd iyo - Jaamacaddii aad ka baran lahayd.
Ma fududa Go’aamadaas, maxaa yeelay waxay saamayn ku yeelanayaan
Mustaqbaaalkaga dambe.