HABKA OOGISTA IYO QAADISTA DACWADAHA CIQAABTA PDF

HORDHAC

Buuggani wuxuu ka hadlayaa, habka loo oogo loona qaado Dacwadaha ciqaabta ah, laga bilaabo goorta ay ooganto dacwadda ciqaabta ah ilaa fulinta xukunka maxkamadda, wuxuuna ka kooban yahay 7 Cutub.
Cutub kasta wuxuu ka bilowdaa ujeeddada cutubka iyo wax yaabaha uu ka hadlayo, sidoo kalane, dhamaadka cutub kasta waxaa ku qoran su’aalo la xariira arimaha ugu muhimsan ee cutubku ku saabsan yahay iyo layliyo shoqo oo loogu tala galay in qofka cutubka aqriyay uu ku tijaabiyo fahamkiisa. Ujeeddada guud ee buuggani waxay tahay in aqristuhu uu si sax ah u fahmo hannanka qaadista Dacwadaha ciqaabta ah, laga bilaabo oogista dacwadda ilaa dhaqan galka iyo fulinta xukunnada, si gaar ah waxaa la filayaa in uu xaqiijiyo ujeeddooyinka hoos ku qoran:

1- In arqristuhu fahmo noocyada Maxkamadahaqaado Dacwadaha ciqaabta ah iyo tallabooyinka ka horeeya soo xirista eeddaysanaha.
2- in uu barto qaabka soo xirista eeddaysanaha, iyo waajibaadka garsooraha marka uu soo baxo gaf la xiriira hannanka soo xirista.
3- in aqristuhu garto cidda bixin karto damaanad ama xorriyad ku meel gaar ah iyo shuruudaha loo baahan yahay.
4- in aqristuhu si wanaagsan u garto waajibaadka xafiiska xeer-ilaalinta iyo garsooraha iyo mid walba kaalintiisa iyo kaalinta eeddaysanaha iyo qareenkiisa.
5- In aqristuhu uu si wanaagsan u fahmo qaabka qaadista Dacwadaha ciqaabta iyo caddeymaha loo baahan yahay.
6- In aqristuhu yeesho xirfadda qorista xukunnada maxkamadda.
7- In aqristuhu uu barto arimaha la xiriira racfaan qaadashada iyo u cabashada maxkamadda sare, dib’u eegis iyo fulinta xukunnada.

Buugani wuxuu ahmiyad u leeyahay, dadka sharciga ku shaqeeyo sida garsoorayaasha , xeer-ilaalinta iyo qareennada, sidoo kale wuxuu muhiim u yahay oo ka faa’iidaysan karo macaliminta dhigto kuliyadaha sharciga, ardayda iyo cid kasta oo danaynayso in ay wax ka ogaato mowduuca uu ka hadlayo buuggan.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 169 Pages
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: $2

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *