WAA MAXAY GUUSHA DHABTA (FREE)

WAA MAXAY GUUSHA?

Guushu Waa Helida dhamaan Waxaad Ka Doonayso Nolosha Amase Fulinta Qorshihii Aad Hore U Dajisatay, Islamar Ahaantaana Guushu Waa Adoo Kaca Aroortii Adoo Dareemaya Farxad Oon Aan Dareemayn Cidhiidhi Iyo Diiqad.

Guusha Waa Wax La Is Barbar Dhigi Karo (Relative) Qof Walba Siduu U Dareemo Ayuu U Arkaa Macnaha Guusha Amase Haddaan Sikale Kuugu Dhigo Guusha Way Macno Badantahay Mana Lahan Qeexitaan U Gooni Ah Oo La Isku Raacay.

Waxaan Shaki Kujirin Inaan La Isku Raacsaneen Waxa Guul Loo Yaqaano Balse Adiga Iskuday Inaad Ka Jawaabto.

Su’aashaan: Maxaad Guul U Taqaanaa Maxaase Ku Cabirtaa Guusha? Waxaa Jirta Su’aal Aheed Waa Maxay Guusha? Oo La Weydiiyey Aqristayaasha Wargeyska “The Dreamer’s Guide Motivation Newsletter” Bal Aan Kusoo Gudbiyo Jawaabaha Ay Kasoo Kala Bixiyeen:

Isaac Alex Phiri:

“Aniga ma sheegi karo macnaha dhabta ah ee guusha lakiin waxaan kusoo koobi lahaa hab fudud oo ah:

1. Inaad gaarto barta riyadaada kuu tilmaamayso
2. Markaad hesho waxa aad u baahantahay
3. Markaad ka talaabsato daruufaha iyo caqabadaha nolosha

Geoffrey Nkhoma:

“Aniga guusha waxaan ku cabiri lahaa farxada; farxadaas oo ka imaanaysa markii aan aragno dadka aan jecelnahay oo faraxsan masii jirayso farxada haddii anaga oo kalliya aan faraxsanahay.”

Mary Masum buko:

“Guusha waa inaad isku dhiibto Allah: Waa bixiyaha nabadda dhabta ah ee addanuhu raadiyo. Guusha waa xakameenta noloshaada, Inaad qaabbayso qorshaha noloshaada oo aad xaqiijiso [Sidii aad ku gaari laheed]…Taas ayaan guul u arkaa.”

Suurta gal waaye inaad nolosha ku guulaysato adigoo aadan hanti badan tacbanin.

Sikastaba, Waxaan layaabbay waxa adiga guul kuu ah dadka kale guul umma ahan!

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 48 Page
Size: 2 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *