GUURE PDF

HORDHAC

Guure waa buug taariikha wuxuu hab cajiiba u soo bandhigayaa taariikho badan oo dalku soo marey, waa sheeko dhexdeeda aad ka helayso waayo badan oo dalka iyo dadkuba soo marey. Guure wuxuu ka sheekaynayaa Sidii ciidamadii Soomaaliyeed u jabiyeen cadawgii itoobiya waliba ay dhulka Somali Galbeed gacanta ugu dhigeen 95%, hadana guushaasi ma noqon mid midhaheeda la calfado, itoobiya oo garab shisheeye helaysa iyo Soomaalida oo siyaasadoodu hoos u dhacday dhexdeedana ay colaado qabiil ka dilaaceen ayaa sobob u noqotay in guushaa qiimaha lahayd ay faraheeda ka baxdo. Guure wuxuu ka waramayaa hadimada gumaysiga ee manta Somaali halkaa dhigtay awoodoodiina hoos u dhigay.

Guure waa buug taariikh cajiiba gudbinaya, inta aad akhriskiisa ku gudo jirto, waxad ka helaysaa xog badan oo wadankani soo marey, sidoo kale mararka qaar waad ilmayneysaa dhacdooyinka foosha xun ee xiliyada qaar dhacayey, marar kale ciil baad dibnaha ruugaysaa marka aad aragto sida ay waxwalba u burbureen ee sharaftii Soomaalidu dhulka u taalo, waxa ciil kugu sii abuuraya marka aad eegto sida qarankii Soomaaliyeed loo kala qoqobay ee inba meel loogu ooday, calooshaa ku hureysa marka aad milicsato halka ay qabyaaladu Soomaali dhigtay, marar badan waad ciishooneysaa marka aad ogaato baaxada dhulka Soomaalidu leeyahay iyo khayraadka Alle ku maneystay laakiin aan cidna ka fa'iidaysan ee laga gaajoonayo. Xaqiiqatan waa buug si farshaxanimo leh u soo gudbinaya taariikho badan oo Soomaalidu soo martay.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 215 Pages
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: $2

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *