GEESIYAAL TAARIIKHDA GALAY PDF

HORDHAC

Taariikhda waa muraayadda wixii tagay, Ummadd aan taariikhdeeda war u heynina mustaqbalka waxba kama qaban karto, Taariikhda aynu ka hadleyno ugama hadleyno kaliya inaan waqtiga isku dhaafinno ama aan carruurteenna ku seexinno ee waxaa la inooga baahan yahay in aynu ku beddalno waaqica aynu ku nool nahay, Ummad walba waxa ay leedahay Taariikh hore oo ay ku faanto sharafna ay ku dareento carruuteedana ay barto. Taariikhda islaamka waxa ay kamid tahay taariikhaha ugu wanaagsan adduunka sidaas ay tahay innaga ayaa ah ummad aan ka warheynin taariikhda aabbeyaalkooda lagasoo billaabo Maalinkii Nabiga scw lasoo diray.

Taariikhdeenna qurxoon marba marka ka dambeyso waxaa kusoo kordhayay rag mujaahidiin ah iyo dumar diintooda ay waxwalba kala muhiimsan tahay, kuwaas oo waqtigooda iyo hantidooda ku bixiyay sidii ay u difaaci lahaayeen diintaan ay ka dhaxleen Nabigooda Muxammad scw Sababtaas darteed ayey cadoowga islaamka waqti iyo juhdi ugu bixiyaan sidii ay jiilka soo koraayo uga indhatiri lahaayeen taariikhda ummadooda, intaas oo kaliya kuma eka fikirka reer galbeedka ee xitaa waxa ay ina bareen taariikhdooda fulaynimada ku dhisan iyo qaar kamid ah taariikhda geesiyadeenna oo ay ku ciyaareen iyaga oo rabo in ay nooga dhigaan dad xun in ay ahaayeen.

Buuggan wuxuu ka sheekeyn doonaa 27 geesiyaal oo taariikhda islaamka galay oo rag iyo dumarba ah waxana kamid ah: Cusmaan Binu Ertugrul, Khaalid Binu Waliid, Salaaxudiin Al Ayuubi, Haaruun Al-Rashiid, Safiya Binu Cabdi Mudhalib, Ummu Camaarah, Ramla Bintu Abii Sufyaan, Asmaa Bintu Abii Bakar Sidiiq.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 201 Page
Nooca: PDF
Size: 1 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *