GARAADSO INTAADAN GUURSAN PDF

HORDHACA BUUGA

Sannadkii 2011- kii oo haatan 11 sano laga joogo ayaan qoray maqaal aan cinwaan uga dhigay "Garaadso Intaadan Guursan". Wuxu ahaa labo qaybood aan mid hablaha ku la hadlayay qaybta kalana innamada ku hoga-tusaalaynayay.

Waxaa maqaalkaa iiga soo laabtay falcelinno aad u tiro badan, kuwaasoo ay dadka qaarkood iiga codsanayeen in aan maqaalkaa buug ka dhigo. Hase ahaatee, maqaalkaa waxaan qoray aniga oo labo sano uun reer leh oo aan markaa lahayn khibrad, aqoon, iyo ogaal igu filan oo aan guurka buug dhan kaga qoro.

Haatan se labo iyo toban sano ka dib, anigoo helay Khibrad iyo ogaal igu filan ayaan jeclaystay in aan buuggan bulshada la wadaago. Sababaha kale ee buuggan qoriddiisa igu dhaliyay waxa ka mid ah labo arrimood: Arrinta koowaad waa guurku in uu yahay shaqo, shaqo walbaana waxay rabtaa aqoon ka hor inta aan la gelin.

Culimmadu waxay odhan jirtay, "Camalka waxa ka horreeya cilmi", weliba kolka ay joogto aqoonta ay tahay in nolosha guurka loo yeesho waa mid muhiimad dheeraad ah sii leh. Haddii aad akhriso Quraanka, Xaddiisyada, iyo Fiqiga Islaamiga ah,

waxaad ogaanaysaa muhiimadda mu'asasadan guurku diinta u leedahay. Qur'aanka uun haddaad akhrido, waxaad ugu tagaysaa ku dhawaad 146 aayadood oo arrimaha reerka uun ka hadlaya. Halkaa waxaad ka garan kartaa culayska iyo muhiimmadda ay diintu siisay qoyska.

Waxaynnu ognahay in qofku 12 sano oo iskuul hoose, dhexe, iyo sare ah iyo jaamacad afar ama lix sano ah uu u soo qaato shaqo siddeed saacadood maalinkii uu ka shaqaynayo, hase ahaatee aanay jirin hannaan waxbaris oo qofka loogu diyaarinayo mas'uuliyadda guur iyo nolosha qoyseed ee ilaa geerida guudka u saaran.

Arrinta labaad ee igu riixday inaan buuggan qoro waxa weeye in waaqica iyo duruufta aan maanta ku noollahay ay inaga dalbayso in guurdoonka iyo dadka reeraha lehba loo diyaariyo nolosha guurka. Furriinkii maanta aad buu u sii badanayaa oo haddaad gudaha dalkii iyo qurbahaba eegto waxaad arkaysaa dhallinyaro lix bilood ilaa labo sannadood uun reero soo yeeshay.

Berigii hore qurbaha uun baan u malaynayay in ay mushkiladahaasi ka jiraan, laakiin, marar aan dhulkii hooyo tagay oo aan u kuurgalay heerka furriinka, dad xogogaal ahna kala sheekaystay, maaddaama ay naan sameysan daraasaado arrimahaa ku saabsan, waxaa ii soo baxday in furriinku aad bulshadeenna ugu soo badanayo.

Arrinta saddexaad; tan iyo intii uu magaalo-galku bilowday, waxaad moodaysaa in diyaarinta qofka guurka loo diyaarinayay ay sii daciifayso, Berigii hore ee miyiga iyo tuulooyinka la joogay, noloshu way urursanayd, dadkuna way is yaqaanneen, sidaasoo ay tahayna waa la is-hiddo raaci jiray oo waxa la yaqaannay qof walba waxa uu galo iyo waxa uu gudo.

Wiilka waxa loo diyaarin jiray sidii uu xoolaha reerka iyo nolosha ku xeeran uu u ilaalin lahaa. Gabadhana waxa la bari jiray sidii ay oori iyo hooyo u noqon lahayd. Waxyaabaha cajiibka ah ee dhici jiray waxa ka mid ah, nooc ka mid ah sababaha inan-layaalnimada keenta ay ahayd ninku haddii la siiyo gabadh iyadoo la filayo in aanay weli reerka ka adkayn, in la odhan jiray reerka gabadha la deg inta laga carbinayo. Intii se dadku magaalada soo degay,

waxaa laga guuray hannaankii qofka loogu diyaarin jiray guurka. Ooda-furanka (globalization) qudhiisu wuxu keenay is-dhexgal dhaqameed oo waxaa ina soo galay dhaqammo si walba inoo ka qiyam iyo hab nololeed duwan, kuwaa oo si xawli ah bulshadeennii u soo dhex galay dhinacyo badanna ka saameeyay hal-beegyadii guurka.

Dhowrkaa arrimoodba waa ay igu riixeen qoridda buuggan, waxaana aan is leeyahay buuggu qayb uun ha ka noqdo dedaalladaa looga baahanyahay in ducaadda, aqoonyahanka, iyo barayaasha arrimaha qoyska ay ku hagaan guurdoonka kuna tayeeyaan qoysaska. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar iyagoo ka shidaal qaadanaya cinwaanka buugga, "Garaadso Intaadan Guursan", ay is way diinayaan in buugga kali ah loo qoray inta aan weli guursan.

Buuggu wuxuu ka koobanyahay labo qaybood: Qaybta koowaad waxay ku saabsantahay doorashada hore iyo nolosha guurka ka horraysa. Qaybta labaadna waxay ku saabsantahay nolosha guurka iyo waayaha ku xeeran. Taa macnaheedu waxa weeye; buugga dhallinyaro aan ka waayo-aragsanahay uun uma aan qorine cid walbaan u qoray, oo ay naftaydu ugu horrayso. Waxaan rejeynayaa in buugga laga faa'iido wax badanna laga korodhsado, haddii uu Alle idmo. Shifo ku akhri.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 201 Page

1 thought on “GARAADSO INTAADAN GUURSAN PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *