FURAHA CAAFIMAADKA PDF

Waa maxaay caafimaad?

Caafimaadku waa xaalad dhameystiran, xaga maskaxda, muqaalka iyo nashaadka wanaagsan ee ma'ahan in uu cudur kaa maqanyahay oo kaliya.
Ujeedooyinka loo baranaayo cilmiga caafimaadka waxaa kamid ah:
1. Kawar qabida xaalada cafimaadka jirkaaga.
2. Ka fogaashaha waxyaabaha keena cudurada I.W.M.
3. Ka haqabtirka baahida ay bulshada u qabto xaga caafimaad.

Shuruudaha u degsan qofka baranaayo cilmiga caafimaadka

1. Waa in aadan ku gor gortamin dhaawaca dushiisa.
2. Waa in aadan ka ash-ashin bukaanka.
3. Waa in aadan ka xishoonin bukaanka.
4. Waa in aadan noqonin qof warbadan.
5. Waa in aadan ku dhaqmin fal xasad nimo ah.

NB: cafimaadka waxaa ka mamnuuc ah 2 shey oo kala ah:

1. Eex
2. Qabiileysi

Waa maxay cudur?

Cudurku waa xaalad kasta oo aan caadi aheyn kaasoo sababa dhibaatooyin guud iyo mid gaar ah ahaaneed kuna dhaca qaab dhismeedka jirka iyo shaqada jirka bani'aadamka.
Gargaarka deg deg ah (first-aid)
Gargaarka deg deg ah waa caawinaad ama kaalmo ku meel gaar ah oo la siiyo qofka dhibaateysan ama shil ku dhacay ka hor inta aan lageen goob cafimaad.

Ujeedooyinka gargaarka deg deg ah

1. Si loo badbaadiyo nafta bani'aadamka Allaa wax badbadiyee.
2. In laga ilaaliyo in uu kadaro dhaawaca.
3. In jeermis dibada ka soo galo sidii looga ilaalin lahaa.
4. In lagu dadaalo sidii dhaqsiyo ugu bogsan lahaa dhaawaca.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 203 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *