FOREX ZERO TO HERO AF-SOMALI PDF

HORDHAC

Maadaama barashada Forex ay u baahan tahay itus oo itaabsii (practical), Buuggan waxa uu aad xooga u saaraa Practical ka oo waxaa ku badan sawirrada meelaha markaas laga hadlayo. Si kooban forex waa suuq sarrif online ah kaas oo kuu ogolaanaya inaad lacag ku bedeshid lacag kale adiga oo adeegsanaya aaladdaada yar ee Mobile-ka ama Laptop-ka. Caadi ahaan forex waa erey loo soo gaabiyo (foreign exchange) oo uma gaar aha midka online-ka ah ee waa sarrif kaste, kanise waxaa uu ku gaar yahay online nimada. Suuqaani waxaa uu soo jirey boqollaal sano hayeeshee waxaa uu gaar u ahaa bankiyada waaweyn, shirkadaha iyo dawladaha.

Dhawaan ayaa waxaa loo ogolaaday in ay dadka shacabka ahina soo galaan oo ay qayb ka noqdaan suuqaan baaxadda weyn leh, buuxiyaanna gobol yar oo lagu qiyaasi karo 20%. Celcelis ahaan xaddiga lacageed ee 24kii saacba la isku weydaarsado suuqaan waxaa uu yahay 5.3 Tirilyoon doollar (tirillion dollar) oo u kala wareega gacmo kala duwan. Waana taas midda aan doonayaa in ay dadka Soomaaliyeed qayb yarna ha ahaatee ay wax ku yeeshaan oo kaga faa’iidaystaan. Qaabka uu suuqaani u shaqeeyo waa in aad soo gadatid lacag marka qiimaheedu hooseeyo aadna iska gaddid marka qiimaheedu kor u kaco oo ay ka saramarto intii aad awal ku gadatay. Ama in aad lacag iska gaddo marka qiimaheedu sarreeyo oo aad soo gadato marka uu dhaco si aad isaga iibisid marka uu kaco.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 126 Page
Nooca: PDF
Size: 5 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *