FOREX SOMALI PDF

HORDHACA BUUGA

Suuqa sarifka lacagaha qalaad waa xirfad caalami ah oo ay maalin walba Bangiyada iyo maalgashadayaasha shirkadaha leh iyo kuwa shacabka ahiba ay isku bedelaan Lacagaha kala duwan ee dalalku ay leeyihiin. Waxa ay iska iibiyaan lacagaha markaas qiimahoodu sareeyo balse laga yaabo in uu hoos u dhaco, sidoo kalena waxay soo iibsadaan lacagaha qiimahoodu uu markaas hooseeyo balse la rajaynayo in uu kor u kaco si ay hadhoow usii iibiyaan marka lacagtii qiimaha yar lagu soo iibsaday ay suuqa ka yeelato qiima ka sareeya kii ay kusoo iibsadeen. Deetana kala bedelkaas lacageed ayay khidmad ka faaidaan.

Suuqa sarifka lacagaha Qalaadi waa fursad 24-ka saac ee maalin iyo habeen furan, shanta maalmood ee shaqada. Dhaqdhaqaaqa ugu horeeya ee suuqu waxa uu soo bilowdaa saq dhexe Habeenka Isniintu soo galayso waxa uuna xirmaa fiid hore habeenka jimcuhu sii baxayo Sabtiduna soo galayso. Sariflayasha suuqaan ka shaqaysta oo idil waxa ay ku shaqeeyaan hab Online ah, Si uu qofku suuqaan qayb uga noqdo wuxuu u baahanayahay, kambiyuutar, moobil iyo Internet. Hawshaan oo idil waxa ay ka dhex socoto waa Shabakada Internet-ka, ma jiraan dad si toos ah inta ay u kulmaan lacagaha kala beddelaya, ha yeeshee Maalgashiga iyo maamulida lacagtaada kuli waxa ay ka dhex dhacayaan waa Internet-ka dhexdiisa.

Buugaan wuxuu aad u anfacaa dadka bilawga ah ee raba iney Suuqaan Forex bilaabaan ama ay bartaan Xirfada Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad ee FOREX TRADING.

Buuggaan oo dhameystiran:
Waa: 96 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *