FANKA MAAMULKA PDF

HORDHAC

Buugan waxaa qoray nin Maraykan ah oo la yiraahdo: James Menzie Black oo muddo dheer ka madax ahaa Xiriirka Agaasimayaasha Maamulka ee Maraykanka, Qaybta Shaqaalaha. Waxaanu u bixiyey: “HOW TO GROW IN MANAGEMENT” oo macnahiisu yahay sidaad ugu hormari lahayd maamulka, waxaana loo tarjumay afaf badan.

Waxaa jira maahmaah Carabi ah oo odhanaysa: “Maamulka wanaagsani waa nolosha barkeed”, aniguse waxaan qabaa: Noloshuba in ay tahay maamul”, maxaa yeelay, maamulku waa fulinta iyo hirgelinta nidaamka u degsan Qaran, Hay’ad, Mashruuc, Urur, Qoys, ama qayb kasta oo bulshada ka mid ah. Haddaba, kitaabkani wuxuu ku saabsan yahay Fanka Maamulka. Waxaa jira dad aan aqoonsanayn in maamulku yahay cilmi looga soo baxo Jaamacado iyo Dugsiyo Sare oo qaba in nin kastaaba maamule noqon karo, haddaanse u fiirsanno sababaha u keena fashilaadda iyo guul-darrada mashaariicda badankooda sida Shirkadaha, ganacsiga, Beeraha, Warshadaha, Jamciyadaha Khayriga, Mashaariicda Dhismaha Qoysaska, Barbaarinta Carruurta i.w.m, waxaan arkaynaa in uu yahay tixgelin la’aanta qiimaha cilmiga maamulka.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 86 Pages
Nooca: PDF
Size: 2 MB
Lacagta: $1.5

1 thought on “FANKA MAAMULKA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *