FAHANKA ARIMAHA SIRDOONKA PDF

HORDHACA BUUGA

Waa maxay Sirdoon?

Sirdoonku waa eray loo adeegsado qeexida xog aruurinta nidaamsan oo ku saabsan helida sir dhaqaale iyo helista sir siyaasadeed. Sidoonku waa kan ogaada dagaalada ka dhex dhici kara dalka iyo dibada .

Sirdoonku waa kan ilaaliyo xogta muhiimka ah ee dalka, Sirdoonku waa kan ka hortaga sirdoonada shisheeye ee raba in ay dalkaas basaasan, Sirdoonku waa kan ogaada cadowga qarsoon. Sirdoonku waa kan soo arooriyo xogaha iyo siyaasada ee cadowga tooska ah. Sirdoonku waa kan fuliya howlaha halista ah.

Sirdoonku waa laga huroyo colaadaha waayo inta aysan ciidamadu aysan dagaalka ku qaadin waxaa La iska hurmar yaa koox sirdoon ah oo soo arooriyaan cadoowga tiradiisa tayada hubkiisa iyo dhaqaalihiisa iyo heegankiiisa, sidaas darteed hadii uu ciidanku dagaalku qaado, cadowgiisa isagoo ka haysan xog muhiim ah way adagtahay in uu gaaro guulo lataaban karo.

Waa maxay shaqada Sirdoon?

Sirdoonku shaqadiisu waa sidan:
• raadinta xog xasaasi ah oo dalka muhiim u ah.
• soo aroorinta xogta daahsoon iyo soo gudbinta ay hayaan ama ay soo heleen sirdoonka.
• Si loo ilaaliyo loona xaqiijiyo xariirka amni ee dalkaa uu markaas leeyahay.

- Shaqada Sirdoonku waa mid aad Qatar u ah waana cilmi gaar ah uusan qof walba qaban Karin. Hadii aynu fiirino halista uu qofka sirdoonka ah oo maraayo nafta qofka sirdoonka waxa ay ku xiran tahay hal qalad oo uu galo qofkaas.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 99 Page

7 thoughts on “FAHANKA ARIMAHA SIRDOONKA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *