FAHAMKA NAFTEENU WAA FURAHA NOLOSHEENA PDF

HORDHAC

Buuggan wuxuu dadka barayaa nafsadda aadanaha sida ay u shaqayso, iyo sida ay u sahlantahay in wax lagu shubo, waxna laga shubo. Wax badan oo dhib inagu haya, waxay xiriir la leeyihiin xaaladda nafsadeed ee aan markaas ku sugan nahay. Laga bilaabo dagaallan iyo naf la dilo, ilaa bakhaylnimo iyo waajibaad la dayaco, waxay ka turjumayaan xaaladda nafsadda ee aan markaas ku sugannahay. Waxaad ka raysan doontaa, cudurro badan oo xagga dad la dhaqanka iyo bulshada ku saabsan, Waxaad awood u yeelanaysaa inaad fahamto dhamman dadka xiriirka kula leh oo aad isku xiran tihiin. Sidoo kale, waxaad fahmaysaa hab-dhaqanka dadka kale iyo sida ay u fikirayaan waxa sababay, waxayna arrintaasi wax wayn ka taraysaa horumarkaaga iyo badinta saaxiibadaa. Maxaa yeelay, waxaad fahmaysaa nafsiyaddooda iyo sida ay u shaqaynayso.

Waxaad kala fahmaysaa marka ay nafsaddu caafimaad qabto, iyo waliba sidii caafimaadka lagu keeni lahaa, iyo marka ay jirrantahay oo ay kaalmayn iyo kor u qaadid u baahantahay. Waxaad noqonaysaa dhakhtarka nafsaddaada iyo dadka kula xiriira. Buuggaan waa buug noociisu cusub yahay. Buuggaan wuxuu kulmiyay, aqoontii aadanaha iyo Allihii nafsadda aadanaha abuuray, wixii uu ka yiri nafsadda Insaanka iyo sidii Alle u daaweeyay, nafsadda insaanka. Culummada cilmu nafsigu (psychologists) intooda badan Diimaha lama tashadaan, ee kaliya waxay wax ku dhisaan, waxay iyaga latahay. Buuggaan wuxuu uga duwan yahay, waxaa lagu dhisay, kitaabka Alle ee Quraanka kariimka ah.

Waxaad buuggaan ku arki doontaa arrimo badan oo xagga diinta ku saabsan iyo aayado badan oo la soo daliishaday. Waxaas oo dhan hadda, waxay ku saabsan yihiin nafsadda iyo daawadeeda. Nafsaddadu sida ay noqonayso, jirro iyo caafimaad, waxay xiriir la leedahay, waxa aad aamminsantahay iyo sida aad u fikirayso. Markii la rabo nafsad xoog leh oo caafimaad qabta, waxaa lagama maarmaan ah, in wax laga sheego, sida aad u fikirayso iyo waxa aad rumaysantahay. Waxa aad rumaysantahay iyo sida aad u fikirayso, Waxay xiriir la leedahay, fahamka aad diinta ka haysato iyo aqoonta aad u leedahay. Halkaas ayaa nafsadda iyo Diintu iska soo galayaan.

Buuggaan waxaa loogu talagalay inuu siiyo qofka akhriya aqoon, kusaabsan sidii uu nafsaddiisa u fahmi lahaa, kadibna u dhisilahaa. Sidoo kale waxaa loogu talagalay, in qofka fahmaa uu noqdo dhakhtarka nafsaddiisa iyo dadka isaga xiriirka la leh dhakhtarkooda xagga nafsadda.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 182 Pages
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: $2

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *