FAHAMKA MUSHKILADA PDF

HORDHACA BUUGA

Buugaan La Magac Baxay "FAHAMKA MUSHKILADA IYO MAARAYNTA KHILAAFKA".

Waa buug ka hadlaya Mashaakilka ama Dhibaatooyinka ku wajahan ama haysta Qof walba , dawlad walba iyo bulsho walba. wuxuuna kusiin doonaa inaad fahamto mushkilada gorfayso xaalada isku cufan kadibna aad maarayso, idanka alle.

Buuggaan wuxuu kaloo sitoos ah ula hadlayaa, cidkasta oo fahmi wayday mushkiladda maaraynna kari wayday khilaafka dhexyaal. kadibna wuxuu kuu sheegayaa buugan sababaha keeni kara khilaafka iyo mashaakilka, si aynu uga taxadirno inay mushkiladu ay mar labaad soo noqoto.

Waa maxay Mushkilad?

Mushkilad waa arrin cakiran oo aan waddo loo dhaqaaqo lahayn illaa laxaliyo ama in laxaliyo mooyee. Mushkiladdu waa sunni kawni ah (illaahay Subxaanahu Watacaalaa ayaa abuuray) oo lagama waayo dunidan. xaalad kasta oo kusoo wajahda waxay salka ku haysaa mushkilada.

Mushkiladuna way fududahay xalinteeda, marka la raacayo waddooyinka xallinta. Lana gorfaynayo xaaladdan cakiran.sidaa daraadeed buuggan waxaynu dhihi karnaa waxaa ku dhan waddooyinka lagu xaliyo mushkiladaha, iyo in lagorfeeyo xaaladaha cakiran.

Mushkilada Wadamada Muslimka ah.

Marka hore mushkilada wadamada muslimka ahi way badan yihiin balse inagu inta aynu dhihi karno waa inta ugu badan ama ugu waaweyn aynu ka xusno. Idanka alle.

1. Baal maridda ama in laga jeestay laguna gacan seedhay, Sharcigii (Alle Subxaanahu Watacaalaa) soo dejiyay.

Sidoo kalena lagu dhaqmeyn layskuna xukumi waayay kitaabka (Alle Subxaanahu watacalaa) iyo sunada rasuulka scw. Taasoo keentay cadhada alle. Sidoo kalena la raacay dhaqan gaalo, caadi ahaan way fiican tahay in gaalada lagaga daydo wixii horumar ah ee ay dunidan kusoo kordhiyaan, laakiin hadda muslimka jooga wixii macnaha lahaa ee la rabay in laga qaato kama qaadano,

Wixii la yidhi haka qaadanina waynu ka qaadanaa (Cilmi, Aqoon, Maamul, i.w.m) kama qaadano, lkn waxaynu ka qaadanaa (Naag furista, Khamri cabista, Dhafoor xiirka, i.w.m). Mid ogow inta rasmiga ah ama aqoonta rasmiga ah gaalo si fudud kugu siin mayso adiguna si fudud ku qaadan maysid, waxayna inagaga baahan tahay Dadaal, Juhdi iyo Waqti in la galiyo.

Rasuulku (SCW) wuxuu lee yahay: "Waxaad raaci doontaan jidkii kuwii iniga horeeyey, taako taako iyo dhudhun dhudhun baad u raaci doondaan, hadday god maskacagalay galaan waad kadaba galaysaan". Caadi ahaanta qof bini aadam ahi god maskacagalay magalo, sababtoo ah wuxuu ka faaidayo ama kujira ayaanba haba yaraatee jirin,

laakiin ujeedadu waxa weeyaan hadday gaalo wax mustaxiil ah ama laga xishoodo ama uusan qof bini aadam ahi sameenin ay sameeyaan waad kadaba samaynaysaaan. Taasna waata manta dhacday. Tusaale inaad mara jeex jeexan qaadataa waa waxaan faa'ido lahayn markii horena qofka maro jeexan qaada waxa loo yaqaanay qof waalan, laakiin hada inta maro jeex jeexan la xidho ayaa la leeyahay waa fashion, Cajiib!!!.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 73 Page

1 thought on “FAHAMKA MUSHKILADA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *