Buugani waa buug ka hadlaya “FAGAARA KA HADALKA”, oo ah sida dad looga hor
hadlo ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Public Speaking).
Markii aan arkay baahida baaxada eh ee ardayda wadanku ama dhalinyaraduba u
qabaan cilmigaa ayaan jeclaystay inaan buugan ka qoro, waliba anigoo u
fudaydiyey oo uu qof kastaa ku heli karo si fudud oo ah (Online), ama shay uu ku
heli karo internet ahaan oo ku shuban karo moobaylkiisa ama kumbuyuutarkiisa
gaarka ah.
Sida la og yahay cilmigan waa khibrad u baahan in la dhaqan galiyo oo ay cid
kastaaba barato maadama in dad laga hor hadlaa ay nolosha aadamaha u tahay
udub dhaxaad isla markaana aan sina looga marmi karin.
FAGAARA KA HADALKA (Public Speaking)
Fagaare Ka Hadalku waa khibrad, khibradaaso ah xeelad dadka lagu soo hor
istaago isla maraana loogu gudbiyo hadba arin jira ama xaalad taagan xiligaa. Khibradan waxa yaqaan dad kooban oo aan badnayn marka loo eego dadka
dunida ku nool, isla markaana waxa tiro beel ah dadka aan awoodin inay dad ka
hor hadlaan oo lagu qiyaasay ama gaadhaya 75% dadyow ah. Inta ka soo hadhay tiradaa waxay awoodaan dadka inay la hadlaan, wallow ay is
dheer yihiin xirfado iyo waayo aragnimooyin kala duwan. Marka loo eego wadamada horumaray iyo dadka yaqaan xirfadan iyo inaga
waxaad dareemi karay intaynu isu jiri karo ama faraq inoo dhexeeya, mase jiraan
qiyaaso ama tirakoobyo xadidan oo arinkaa laga sameeyey inaga ahaan. Fagaara ka hadalku waa shay u mihiim ah nolosheena, isla markaana udub
dhaxaad u ah hawlo badan oo aynu nolosha iyo noolahaba u baahanayno.
Sidaa awgeed waxa laga maarmaan noqonay inaynu dadaal galino sidii aynu u
noqon lahayn dad awood u leh inay dad wax u sheegi karaan, wallow ay jiraan
dad aan aaminsanayn muhiimada arinkani u leeyahay, hadana uma joojinayno. Afka iyo dad la hadalku waxay qayb muhiima kaa siinayaan nolosha iyo is
badalada mar kasta dhacaya inaad ka qayb noqoto, hadii aad dadaashana
waxbaaba lagaa waydiin doona hadba xaalada aduunyadani maray iyo is
badalada badan ee socda. Khibrada dad ka hor hadalka dadka yaqaan waa dad cadkooda goosan kara,
iyagoo maalaya awoodaas dad qancineed ee ay leeyihiin.
Badanaa dadka yaqaan fagaara ka hadalku waxa kale oo u raaca inay yaqaanan
doodaha iyo qancinta, iyagoo sameeya habab kala duwan oo arinkan ku saabsan
una adeegsada noloshooda caadiga ah. Sidaa awgeed waa muhiim inaad xirfadan barato qof ahaan adigu, kadiba aad la
wadaagto kuna kabto kumanaanka kale ee quustu qalbiyadooda biyo dhigatay.
Si loo helo dad dhisan oo dhinac walba ka xoogani waa shaqo inoo wada taal oo
aan fasax lahayn.
Zxp wad mahadsantahay alla hakusharfo
Wanka fa iday
Mahadsanid saxib