DUCOOYINKII LA AQBALAY (FREE)

HORDHACA BUUGA

Eebbe ayaa mahad oo dhan iska leh. Eebbaha i abuuray, i kobciyey, i barbaariyay, igu galladay maanka fayow ee aan ku caabudo , dadkaygana aan maaxdiisa ku anfacayo Naxariis, nabadgalyo, maamuus iyo milgo ay sharafi ku dheehan tahay korkiisa ha ahaato, xabiibkii qalbiga iyo ruuxda Muxammed ”NNKH”.

Ducooyinkii La aqbalay

Ducadu waa cibaado , waana laf-dhabarta cibaadada , waa astaan muujinaysa in aad u baahan tahay mawlaha awoodda badan , ducada waa lagu baahi baxaa , Allena wuxu yidhi : "I barya waan idinka aqbalin’e” . Maanta waxaynu joognaa duni isu furantay, mashaakilkeeduna batay kolkii baahidii qofka iyo taagtiisi kala badatay , taas oo keentay xanuun nafsiya sida murugada , warwarka , walbahaarka , walaahow, dhibtaa jirta maanta waxan kaga bixi karnaa baryada Alle. Maanta waxaynu joognaa duni gaalo hogaanka maamul iyo aqooneed , sidoo kale dhaqaaleed iyo siyaasadeed ay gacanta ku hayso , taas oo keentay in diintii laga xuubsiibto , si diinteenna aynu ugu sugnaano waxa inna sugaya waa baryada Alle .
اللهم يا مقلب القلوب ثبت قلوبنا على دينك

Buuggan yarahan kooban waxan ku soo bandhigi doonaa muhiimadda baryada Alle leedahay , Adaabta ducada, Sababaha ducada lagu aqbalo , xilliyada ducada la aqbalo , qaar kamida qisooyikii dadkii ducada laga aqbalay , iyo waxyaabo kale oo muhiima.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 37 Page
Size: 5 MB

1 thought on “DUCOOYINKII LA AQBALAY (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *