DIBAD WAREEG PDF

HORDHAC

Buugaan waa Xasuus Qor oo uu Qoraagu kusoo koobay gabayadiisa, Waxaadna ka heli gabayo ka kooban 56 gabay iyo 130 maanso.
Gabay ku socota Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil
Soomaalidu intay laba is dilay; kala dillaalaysay,
Duullaanka reernimo intay; hiil u diriraysay,
Dulmigiyo xigtaysiga intay; hanad u dooxaysay,
Noloshaa daciifka ah intay; dib ugu faanaysay,
Waxaad tahay ilayskii dalkiyo; Daaci noo kacaye,
Doodaha aqoontiyo intaad; warar na deeqsiisay,
Hadba umaradii dumay intaad; dib uga faallootay,
Taariikhahaad duubtay buu; uunku daawadaye,
Duhurkiyo habeenkaba adaa; noo dirraan jiraye,
Adigaa daryeelkiyo tashiga; dawlad ku ahaaye,
Dalandoolka iyo raacdaduu; ciil ku daashadaye,
Hadba waxaan xusuus ula durkaa; damaqa awgaaye,
Adigaa duruufahan cakkiran; noo dagaallamay,
Waxaad tahay raggii diida yidhi; dabar go’eenniiye,
Degdeg iyo is diiddooyin iyo; hadallo deelqaaf ah,
Docfaruurka iyo maad u dhalan; aashi doogsiga’e,
Deggenaanshihiyo fiirsigaad; dad uga soocnayde,
Alleylehe dareenkii bulshadu; daacad kuu noqoye,
Dadku waa markhaatiye shacbigu; kuu dunuunuca’e,
Degmadaad istaagtaba salaan; diirran lagu siiye,
Diiwaanka guushaad hantiday; doorka nololeede,
Ayaamahan is doorshiyo wakhtigu; waa daliil adage,
Gadhka iyo hadday labada daan; deebi ku cirrawday,
Da’ khayrlaad ku gaadhaye Ilaah; taada derejeeye,
Intaad dibadda joogtiyo intaad; dunida meerayso,
Duugoobi maayee abaalkaagu; sii durugye,
Ifku waa dariiq laga socdoo; la isu dayn waaye,
Kollay geeribaa loo dambayn; dawga aakhiro’e,
Waan kuu duceeyaye Ilaah; daranyo kaa dhawrye,
Daaraha Fardawsiyo Jannada; lagu durduursiiye!

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 289 Pages
Nooca: PDF
Size: 7 MB
Lacagta: $1.5

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *