DHEEFSHIIDKA PDF

DHEEFSHIIDKA (DIGESTIVE)

Habdhiska Dheefshiidka Digestive System?
Habdhiska dheefshiidku waa habdhiska qaabilsan in la ridqo ama la daqiijiyo cuntada, si looga dhigo mid jidhku u qaadan karo nafaqo-ahaan isla markaana cuntada laga dhigo mid dhiiga la raacin karo, si loo gaadhsiiyo dhammaan qaybaha jidhka. Dheefshiidka [Digestion] waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo waaweyn waxaana afka qalaad lagu yidhaahdaa Mechanical and Chemical digestion:
Dheefshiid makaannikeed iyo mid kiimikeed.
- Dheefshiid Makaanikal ah [Mechanical digestion] :
waa dheefshiidka la addeegsanayo awood ama xoog waxaanna ka qaybqaata cuntadda sida Carrabka, daamamka, dhanxaragga, ilkaha IWM.
- Dheefshiid Kiimikeed [Chemical Digestion]:
oo isna ah habkale oo cuntadda loogu dheefshiido qurubyo yaryar iyadoo la isticmaallayo dheecaanno ‘Enzymes’ [Insaymisku waa maadooyin ay xubno jidhka ka tirsani soo daayaan una dhaqma sidii maqas oo kale. Tusaale; protease waa insaym taas oo booratiinka ka dhiga amiino aysiidhis ‘Amino acids’ oo ah habka ugu yaree booratiinka loo dheefshiido isla markaana uu jidhku uga faa’idaysankaro].

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 96 Page
Nooca: PDF
Size: 2 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *