DHAQAALAHA ISLAAMKA (FREE)

HORDHAC

Illaahay ayaa mahad oo dhani u sugnaatay, Illaaha inoo tilmaamay dariiqa toosan, Illaaha inoo kala cadeeyay nidaamka nolasha bani aadamku ku guuleysanayo iyo nidaamka ay ku hoogayso. Naxariis iyo nabad-gelyo ha ahaato rasuulkeena Muxammad (SCW) dushiisha. Rasuulka ina soo gaadhsiiyay farriinta cad ee inagu hagaysa dariiqa guusha if iyo aakhiraba.

Intaa kadib, Kitaab-yarahani waxa uu si qoto dheer uga hadli doonaa ribada iyo mawqifka uu Islaamku ka taagan yahay. Sanadkii 2014 waxa dalka ka bilaabmay olole lagu doonayo in dalka laga hirgeliyo bangiyada ku shaqeeya ribada. Buuggan oo ka kooban muxaadarooyin xidhiidh ah oo lagu qabtay isla sannadkaas masaajidka Cali Mataan waxa uu ka hadlayaa khatarta if iyo aakhiro ee ay leedahay ribadda.
Muxaadarooyinkan waxa soo jeediyay culimada waaweyn ee dalka iyo aqoonyahano cilmi dheer u leh nidamka dhaqaalaha ee Islaamka. Buuggani waxa uu qofka akhriya siinayaa aqoon qoto dheer oo la xidhiidha ribada, khatarta ribada, nidaamka dhaqaale ee Islaamka, kaalinta bangiyada Islaamku ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo mawduucyo badan oo faaiido leh.

Buuggaan oo dhameystiran:
Waa: 50 Page
Size: 2 MB

3 thoughts on “DHAQAALAHA ISLAAMKA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *