DHAMBAALADA QUR’AANKA PDF

HORDHACA BUUGA

Buugga “Dhambaallada Quraanka” ee uu turjumay walaalkay Cabdulxakiim Muxammad Obsiiye oo asalkiisa uu qoray qoraaga Ad’ham Sharqawi waa buug jaad-goonni ah oo ka duwan badi buugaagta aynu akhrino. Waa buug akhriskiisa aan laga caajisayn isla jeerkaasna aan laga xiiso goynayn. Waa buug xambaarsan farriimo xeel dheer oo qoraagu uu ka dheegay Kitaabka Quraanka ah, waxana uu si toos ah ula hadlayaa qof kasta oo dhugta, isla jeerkaasna waxa uu tibaaxayaa casharro nololeed oo anfacaya nafta iyo bulshada labadaba.

Buuggu ma aha tafsiir aayadaha Quraanka ah micnaynaya sidii aynu ku naqaannay kutubta tafsiirka, isla jeerkaasna maaha laqbadii aynu ka barannay culimada ee kalmadaha Quraanka iyo micnahooda la isa saarayay, waxa uu buuggu soo qaadanayaa aayado ama qayb ka mid ah aayad kaddibna waxa uu ka dheeganayaa oo ka soo saarayaa casharro nololeed iyo talooyin si toos ah u taabanaya qalbiga. Kolka laga yimaaddo xulashada aayadaha waxa quruxda buugga sii kordhinaya gaagaabnaanta casharrada oo qofku aanu ku daalayn, isla jeerkaasna awood u siinaya qofka in uu kolba qayb kooban si fiican u dhugto, casharro iyo talooyin nololeed oo isbeddel dhab ah noloshiisa ku samaynayana uu kala baxo.

Waxa kale ee buugga xiisaha gaarka ah u yeelaya ayaa ah in sida aynu buugaagta kale uga barannay aanu ahayn buug isku xidhan oo bilowgiisa iyo dhammaadkiisu is haystaan. Waa buug bog kasta oo ka mid ahi uu madax bannaan yahay, isla markaasna aad gaarkiisa u akhrisan karto, qayb kastaa waa casharro gaar ah oo aan ku xidhnayn qaybaha kale, sidaas awgeed waxa aad awood u leedahay in marba dhinaca aad doonto aad kaga timaaddo.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 246 Pages
Nooca: PDF
Size: 19 MB
Lacagta: $1.5

2 thoughts on “DHAMBAALADA QUR’AANKA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *