DHAAF WALBAHAARKA OO BILOW NOLOL CUSUB PDF

HORDHACA BUUGA

Sidee loo qoray buuggan maxaase u sabab ahaa?

Soddomeeyadii qarnigan waxaan ka mid ahaa dhallinyarada ku dhibaateysan magaalada Newyork oo aan ka ahaa Dilaal baabuurta waaweyn si aan uga helo waxaan ku noolaado. Waxaa guri ii ahaa qol yar oo ay baranbaro iyo dooli ka buuxaan, waxaan cuntada ka cuni jiray makhaayad aad u nadaafad xun oo cuntadeedu raqiis tahay.

Waxaan imaan jiray habeenkii qolkeygii yaraa anigoo madax wareer la il daran oo ka gubanaya nolosha xun ee aan ku noolahay, waxaan is dhihi jiray ma sidaan baad nolosha ku dhameysan doontaa? Aaway noloshii aan ku yididiiloon jiray markaan ardayga ahaa?

Ugu dambeys waxaan go'aansaday inaan katago shaqada aan necbahay waana ka tegay. Go'aankaasi wuxuu beddelay nolosheydii intii iiga hartay maxaa yeelay waxaan ku nolaa intii dambe nolol baraare iyo barwaaqo ah. Markaan shaqadii ka tegay waxaan markiiba helay shaqo barenimo oo dadka waaweyn ama qaangaarka ah, waxaan qaatay maaddada fanka khudbadaha iyo doodaha cilmiga aad baanan ugu guuleystay.

Maamulkii dugsiga aan baraha ka noqday waxaan ka codsaday in $ 5 habeenkii mushaar ahaan la ii siiyo, laakiin nasiib darro waa la iga diiday oo waxaa wax la iga siin jiray ardayda aan waxbaro wixii ka baxa.

Markaan saddex dufacadood u dhameeyey waxaa la ii oggolaaday $ 30 habeenkii waana tii markii hore la iga diiday $ 5-ta doolar habeenkii. Markaan muddo waday fanka khudabadaha waxaan ogaaday in ardaydu u baahan yihiin iney hagaajiyaan macaamilada dadka ay la dhaqmayaan,

waxaan markaas goostay inaan qoro buug ka hadlaya xiriirka dadka, laakiin maan helin oo waxay dantu igu khasabtay inaan anigu dejiyo buuggaas, sidaan u fekerayey waxaan allifay buugga la yiraahdo saaxiibo kasbo "how to win friends and influence the people"

Waxaa dhacday inaan markaas ka hor qoray afar buug laakiin lama maqal magacyadooda waayo lama jecleysan, marka ma fileyn in buuggan uu sidaa u hirgalo, laakiin markaan arkay tirada badan ee laga iibsaday buuggan waxaa iga soo haray yaab iyo amakaag.

Dhowr sano kadib waxaan dareemay in xerteyda qaangaarka ah ay hor taagan tahay mushkilo kale oo weyn taas oo ah "walbahaar" maxaa yeelay xerteydu waxay u badnaayeen ganacsato, karraaniyaal, farsama yaqaano iwm. Waxaa kaloo ka mid ahaa haween shaqeeya iyo afooyin oo iyaguna leh dhibaatooyin u gaar ah, waxaan ku qancay inay u baahan yihiin buug ay isaga daweeyaan walbahaarka. Waxaan isku dayey inaan helo buug saldhig u noqda ardayda siday isaga caabin lahaayeen walbahaarka.

Markaa waxaan u howl galay sidaan buugaag anigu u soo saari lahaa, waxay igu qaadatay soo saarista buugaan 7 sano waxaan akhriyey wixii ay ka qoreen falsafa yaqaanada xagga walbahaarka intii dunidu jirtay,

Waxaa ii haray inaan u sheego akhristayaasha sharafta leh in buugani aad u fudud yahay sheekooyinka ku jirana ay yihiin kuwo dhab ah oo dadkii ay qabsadeen la yaqaano.

Hadaba buuggani waa daawo kaa samata bixineysa walaaca, welwelka iyo uur ku taalada uu keeno walbahaarku.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 283 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *