DABAR IYO HOGAAN PDF

HORDHAC

Kaliya waxaynu ugu yeeri karnaa geesi qofka naftiisa ka adkaada, qofka u hogaamin kara naftiisa wanaaga dhankiisa kana dabri kara xumaanta. Muhiimada ay leedahay inaan nafteena maamulno oo aan musuuliyadeeda qaadno, waxaa la inoogu sheegay Qur'aan keena kariimka iyo sunnaha Nabigeena Muxamed (S.C.W) Waxa lagu waydiinayaa waa naftaada kaliya, iyada weeye shar iyo khayr tan kuu horseedi karta. Shayga keliya oo u muhiimsan inaan la dagaallanno waa nafteenna, maxaa yeelay waa iyada midda horseedaysa guul ama guul darro. Qofka hanta naftiisa wuxu la mid yahay qof hantay adduunka oo dhan. Waxaa sabab u ah adduunku waa sida ay naftaadu kuu tusto iyo fikirka ay kaa siiso.

Xakamaynta nafta waxaa ka mida inaad sidoo kale xakamaysid qaab fikirkaaga, qaab dhaqankaaga iyo dabcigaagaba. Hadii aad cid latartamaysid la tartan naftaada oo isku day inaad ka dheereysid qofkaad shalay ahayd, kana wax qabad badnaatid, noqo hogaamiyaha naftiisa u hoggaamiya waddada baraaraha kana badbaadiya waddada halaaga. Buugaan Dabar iyo Hogaan wuxuu kaa caawinaa sidii aad naftaada ugu xakameyn laheyd xumaanta ay jeceshahay una gaari laheyd guusha aad ku riyoonayso.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 128 Pages
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: $2

1 thought on “DABAR IYO HOGAAN PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *