COLAAD PDF HORDHAC Colaaddu waa cudur dilaa ah oo galaafta nafaha, burburiya qoysaska, aafeeya bulshooyinka, curyaamiya oo wiiqiya horumarka, una horseeda dadka dhibbaato aan dhammaad lahayn. Qisadan (Colaad), waa qiso muujinaysa sida aafada colaaddu u gashay bulshadeenna, ugana dhigtay jiilal badan kuwo aan haysan fursad ay kaga baxaan raadkeedan xun.Sheekadu waxay dareensiinaysaa akhristaha xanuunka iyo cadaabta ay keento colaaddu, waxayna sidoo kale ka sheekaynaysaa ifafaalo yididiilo leh oo horseedi kara nabad waarta. Ujeeddada laga leeyahay sheekadan waa in ay bulshadeennu ka fiirsato dhibaatada colaaddaha iyo sida ay muhiim u tahay in jiilalka mustaqbalka laga badbaadiyo silaca ay keento. Buuggan oo dhameystiran:Waa: 81 PageLacagta: $1.5 BUY NOW|HADA IIBSO