CILMIGA NAFAQADA PDF

HORDHACA BUUGA

Buugaan wuxuu ku saabsan yahay dadka, cabiraadda heerka nafaqada dadweynahuna waa mid ka mid ah tusiyaasha ugu muhiimsan ee lagu ogaado baraaraha/horumarka Bulshada, mana jirto meel ay uga muhiimsan tahay waddamada ay naafeeyeen dhibaatooyinka iyo Mushkiladaha, sida Soomaaliya oo kale. Maqnaanshaha ilaha kale ee xogta assaasiga ah ee Soomaaliya ayaa baahida loo qabo in la helo macluumaad wax ku ool ah oo la xiriira heerka nafaqada sii kordhisay. Hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan ahaynba waxay ururiyaan, darsaan, oo isticmaalaan macluumaad.

Kororka xaddiga nafaqodarada dadka Soomaalida ah ( oo ay ku jiraan soomaalida ku dhaqan wadamada deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya) ayaa keentay in falanqayn dheeraad ah lagu sameeyo sababaha keenaya nafaqodarrada. Iyadoo ay qayb ka ahayd balaanqaadkii hay’adda Beeraha iyo Cuntada ee Qaramada Midoobay (FAO) oo ahaa in la horumariyo xaaladda nafaqada ee dadka soomaliyeed, ayey waxay taageertaa hergelinta falanqeynta heerka cunto helidda iyo la socodka heerka nafaqada ee ay fuliso Waaxda Falanqaynta heerka Cunta helidda ee Soomaaliya (FSAU).

FSAU waxay la shaqaysaa Hay’ado xiriir wadashaqayneed ka dhexeeyo si loo xoojiyo tayada maclumaadka la xiriira nafaqada Soomaaliya. Wada shaqayntaasina waxay ahayd mid sii xoogaysanaysa wixii ka danbeeyey sanadkii 2000, FSAU waxay hormuud ka tahay, falanqaynta, kaydinta iyo baahinta macluunaadka la xiriira nafaqada soomaaliya. Sida ka dhalatay ka qaybgalkaas waxaa jirey iskaashi xoogan oo u dhexeeya dhammaan qaybaha gaar ahaan qaybaha falanqaynta cunta helida iyo caafimaadka, tani waxay wax ka tartay dadaalada loogu jiro kor u qaadista baraaraha bulshada somaaliyeed.

Iyadoo laga jawaabayo baahida ka imaanaysa hay’adaha bahwadaagta ah (partners) ee la xiriirta in la helo macluumaad sugan oo ku saabsan maaraynta xogta nafaqada ayaa waxaa la soo saaray agab badan (material) sanadihii ka danbeeyey 2000, waxaa la mideeyey habraacyaddii, waxaana kaloo la soo saaray hagayaal iyadoo loo maray wada tashi iyo tijaabooyin lagu sameeyey goobaha shaqada. Intii lagu jirey sanadihii ee ina dhaaftey agabkaa la soo ururshey, ayaa loo isticmaalay xilliyadii tababaradii maareeyayaasha heerka dhexe, tababaradaasi waxay ka dhaceen goobo kala duwan sida Somaliland, Puntland iyo Gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Nafaqo = Nutrition

Maadada nafaqada waxay quseysaa sida ay dadku ugu nool yihiin xaalad wanaagsan iyagoo isticmaalaya cunto. Waxaa soo hoos gelaya siday dadku cuntada ku helaan, sida ay u habeeyaan, u dhawraan, u diyaariyaan u wadaagaan, uu u cunaan, iyo waxa ka dhaca jirka gudihiisa, sida loo dheefshiido, loo nuugo, isla markaana u isticmaalo jirka si ay taasi gacan uga geysato caafimaad wanaagsan.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 113 Page

1 thought on “CILMIGA NAFAQADA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *