CILMI NAFSI PDF

WAA MAXAY CILMI-NAFSI?

Cilmi nafsi waa barashada maskaxda iyo dabeecada dadka. Cilmi-nafsi waa barashadda hab-dhaqanka iyo maskaxda noolaha. Sidoo kale khubarada cilmi-nafsiga waxay ku qeexeen waa xaalad maskaxeed oo ku lug leh jahawareer udhaxeeya, wax dhabta ah iyo waxaan dhabta ahayn. Cilmi nafsiga: waa barashada dabeecada, maskax ahaan, iyo qaabka qofka. Cilmu-nafsiga ayaa ah mid ballaaran oo kala duwan oo ka kooban barashada fikirka aaddanaha, Dabeecada, hormarka, shakhsiyada, shucuurta iyo dhiirigelinta. Cilmi nafsigu waa darraasada tacliinta iyo dabaqidda howlaha maskaxda iyo dabeecadda.

Xirfadaha Cilmi-Nafsiga casriga ah:

Xirfadaha cilmi nafsiga waxay qaadan kartaa habab badan. Tusaale ahaan xirfadaha cilmi nafsiga casriga ah waxay noqon kartaa mid gabi ahaanba la bartay oo ku salaysan waji dadwayne ama waxay noqon kartaa la-taliye qoys oo la shaqeeya dadka da' kasta leh maalin kasta, waa kuwaan qaar kamid ah shaqooyinka caadiga ah ee dadku qabtaan kadib markay kasbadaan ama qaataan shahaadada koowaad ee sayniska cilmi-nafsiga.

Professor -xirfada professor cilmi-nafsiyeedku waxay noqon kartaa mid faa’ido leh laba siyaabood dartood: marka Hore professor nimada ayaa inta badan safka hore kaga jirta daahfurka cusub ee goobta lagu sameeyo iyagoo ka qayb galay shirka iyo sii waddida cilmi baarista cusub, marka labaad macalimiinta cilmi nafsiyeedku waxay sheegaan inay ka shaqeeyaan sidii ay u soo saari lahaayeen arday caawisa dadka cilmi-nafsiga.

Isbitaalada:

Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga waxay inta badan ka shaqeeyaan isbitaalada, dadka bartay cilmi-nafsiga waxay aqoontooda uga faa’idayn karaan ama ku caawin karaan dadka la kulma dhaawac maskaxeedka caafimaadka. Waa fursad ka banaan dalkeena soomaaliya inkastoo dadka barto cilmi nafsiga ay ku yar yihiin, haddana waa fursad banaan oo aan is leeyahay waa muhiim dhakhaatiir cilmi nafsi waa u baahan yahay dalkeena soomaaliya.

Wakaaladaha dowladda:

Wakaaladaha dowladda ee ay ka shaqeeyaan dadka bartay cilmi nafsiga, qaar kamid ah shaqooyinka ugu sareeya ee cilmi nafsiga ee dowladda waxaa kamid ah la-telliyaasha asluubta, cilmu-nafsiga milatariga, profile- yaasha dembiilayaasha iyo la-teliyaal rug-caddaaga ah.

Dugsiyadda cilmi-nafsiga :

Meelaha ugu badan ee looga shaqayn karo waxaa ka mid ah dugsiyadda cilmi nafsiga, dugsiyadaas oo loo isticmaali karo in ardayda barta cilmi nafsiga lagu baro, adduunka waxaa ku taallaa dugsiyo lagu baro ardayda cilmi nafsiga.

Buugaan waxaan ku xusi donaa 4 siyaabood oo aad u adeegsan karto cilmi nafsiga go’aamadaada.

1. Isticmaaal cilmi nafsiga si aad uhesho dhiiri galin:

Hadii yoolkaagu yahay dhamaystirka wakhtiga kama dambaysta ah, miisaankaaga oo hoos udhaca, ama waxkale oo dhan, waxaa jira xeelado nafsi ah oo kaa caawin kara inaad hesho dhiirigalin,Tusaale ahaan usamee Hadafyo cad cad inta aad howsha ku jirto. Tani waxay kaa dhigaysaaa howsha guud Iney u muuqato mid la maareyn karo waxayna ku sii naysaa sabab aad naftaada uga abaal mariso marar badan. Ku abaalmarinta naftaada shaqo si wanaagsan loo qabtay Waxay maskaxda ku kicisaa iney rabto wax badan oo kamid ah dareenkaas wanaagsan.

2. Qosol si aad udareento farxad:

Dhoola cadee inta aad awooddo! Maskaxdeenu aad bay u xoog badan tahay, laakiin sidoo kale way fududahay iney nucaas noqoto. Daraasaduhu waxay muujiyeen in markaan nafteena ku qasabno inaan dhoola cadeyno waxaan dhab ahaantii billownaa inaan dareeno farxad.

3. Isticmaal cilmi nafsiga garashada si aad u hagaajiso xirfadahaaga go’aan qaadashada:

Waxaan had iyo jeer la kulanaa go’aammo nolol maalmeedkeena Laakiin saameeynta go’aan sax ah mar walba ma sahlana Nasiib wanaag, cilmi nafsiga barashadiisa ayaa wax badan nabaray habka go’aan qaashada marka xigta ee aad isku dayayso inaad qaadato go’aaan weyn tixgali faa’idooyinka iyo qorshooyinka go’aankaaas. Is waydii sida go’aan gaar ah u qancin doonin shuruudo kasta oo aad yeelan karto. Ugu dambeyntii, ka fiirso go’aan kasta oo suura gal ah dhinacyo badan: caqli gal ah, shucuur leh, hal abuur leh iyo wixii lamid ah.

4. Iska indho tir:

marka aad rabtid inaad howl ama shaqo aysan dadka Horay u qaban qabatid, qabbo adigoo iska indho tiraya ama iska dhaga tirraya dadka.

Buugaan cilmi-nafsiga waxa uu ka hadlayaa, taariikhda cilmi-nafsiga iyo Sidookale wuxuu ka hadlaayaa cilmi nafsiga xariirada, cilmi-nafsiga caafimaadka iyo kuwa kale aanan soo koobi karin, akhriste ka faa’idaysi wacan.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 219 Page

2 thoughts on “CILMI NAFSI PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *