UMULISO PDF

Umuliso AMA Mid wifery:

Waa qeyb kamid ah caafimaadka oo la xariira xirfadda daryeelka hooyada xiliga dhalmada kahor iyo dhalmada kadib, dad badan oo aduunyada ku nool ayaa ku shaqeeysta xirfadda umulasanimada (Midwifery) balse dadkaas ayaa iskugu jira laba nooc oo kala ah.

- Umuliso aqoon dhameeystiran leh.
- Umuliso dhaqameed.

Waa maxay Umuliso?

Umuliso markaaan si kooban uqeexno umuliso waa shaqsi aqoon iyo xirfad uleh dhalmada iyo daryeelka hooyada iyo canugeeda umulisada aqoonta leh waa badbaadada hooyada iyo canugeeda.

Umuliso dhaqameed:

Waa qof kashaqeeya goob caafimaad gaar ahaan kuwa lagu dhalo lakiin aanan laheeyn wax cilmi ah oo ku aadan shaqadaas, xirfad xumada kadhalata umuliso dhaqameedka waxey keentaa ama sababtaa in malaayiin hooyooyin ah ay udhintaan ama ay unaafoobaan xirfad xumadaas. xifad xumada ugu badan ee heysta umuliso dhaqameedka waxaa kamid ah:

• Malaha wax cilmi ah oo ku aadan shaqadaas.
• Maku shaqeen karaan qalabaadka wax lagu dhaliyo.
• Haddii uu dhiig bax yimaado maheystaan wax dhiig joojin iyo dawooyin kaleba ah.

Xiliga Qaangaarnimada:

Bilaawga nolosha ama wax soosaarka xubinta taranka raga iyo dumarka waxey kuwada jiraan xubinta loo yaqaano (Dormant) taasoo micnaheedu yahay kuwo aan firfircooneyn dhismo ahaan waa kuwo jira laakiin waa kuwo aan dhaqdhaqaaqin waana isku mid raga iyo dumarka xilliga caruurnimada. Ukunta iyo minida waa kuwo aan dhaqdhaqaq laheyn minka ama ilmo galeenka iyo naasaha waa kuwo aan hormarsaneyn isbadalka wuxuu dhacaa xiliga qaangaarnimada (Puberty Age),

Xiligaas waxa dhaqdhaqaaq bilaaba xubinta taranka waxaana soo baxa timo loo yaqaano(Pubic hair) kadib gabadha waxaa ka yimaada wax loo yaqaano caado (Menstruation) hadaba caadada ugu horeysa ayaa loo yaqaanaa (menarche) waxaana hormar sameeya minka ka dib waxaa bilaawda wareega caadada (Menstrual Cycle) ugxanta ama ukunta ayaa sameeysa hormar taasoo muujisa in uu minka qaadi karo uur ama (Pregnancy).

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 97 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *