BUUGA HIBADA PDF

HORDHACA BUUGA

Qarniyaal dadku waxa ay si daran u rumeysnaayeen in hibadu ay tahay wax lagu dhasho, hadiyad laga helo dhalashada. Laakiin hadda, mahad waxa ay u sugnaatay koox balaaran oo culumo ah kuwaas oo ay ku jiraan Dr. K. Anders Ericsson, Dr. Douglas Fields, and Dr. Robert Bjor, aaminaadii duqda aheyd ee ku sabsaneyd hibada waa laga itaal roonaaday dhankooda aragti cusub ayaa laso saaray.

taas oo hibada ay go’aamiyaan wax yar oo hida sidayaasheena iyo wax badan oo ficiladeena ah: Si gooni ah tababarasho xoogan iyo dhiiri gelin taas oo soo saarta koritaan maskaxeed.

Inta badan waxaa nala baray in hibadu ay ka bilaabato hadiyad dhaxaltooyo - taas oo kuwa hibada leh ay si fudud ku qaban karaan waxa aan inteena kale aan ku riyoon karno oo kaliya Taasi waa been.

1: Dhammaanteen waxaan leenahay hibooyin.
2: Dhammaanteen ma hubno sida loo hormariyo hibooyinkaas heerkooda ugu sareeya.

Inteena badan dhibku waxa uu ka dhashaa hal eray: “Sidee.”
Sideen ku ogaan karnaa hibooyinka nafsadeena iyo kuwa noo dhow? Sideen u kobcin karnaa hibada marxaladaheeda hore? Sideen ku heli karnaa horumarka ugu fiican waqtiga ugu yar? Sideen u kala dooran karnaa qorshooyinka kala duwan, macalimiinta iyo hababka?

Buugaan waxa uu ku dhisanyahay fikradda ah in wadada ugu fiican ee lagu hormariyo hibooyinkaada ay tahay in la raaco hababka la hubiyey ee meelaha lagu hormariyo hibooyinka.

Hibo kasta oo aad ku tala gashid in aad dhistid laga bilaabo barashada luuqad cusub, ilaa maareynta ganacsi bilow ah.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 123 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *