BEERTA XIKMADAHA (FREE)

HORDHAC

Buugaan sababta aan u qoray waxa ey eheed in aan arkay buugaag badan oo laga qoray mowduuca ah xikmadaha balse waxa aan ka waaye buugaagtaan mid xikmada si wacan u faah faahinayo, markaas ayaan bilaabay in aan dib ugu laabto buugaagteyda aan xikmadaha ku qoran jiray, balse waxa aan helay in ey iigu qoran yihiin buugaagta ku dhawaad 500 oo xikmadood, markaas ayaan bilaabay in aan inta xulka ah soo qaato, oo aan waliba si xirfadeysan oo isku dhafanaan cilmiyadeesan ka muuqato u qoro, waana sida aan maanta u qoray, oo xikmad walbo aan soo qaato waxa aan ku dhisayay kitaabka quraanka iyo sunaha nabiga (scw) iyo qisooyin dhacay iyo tusaalooyin wax lagu fahmi karo.

XUQUUQDA BUUGAN

Xuquuqda buugaan waa free ama waa bilaash, oo waxa aan u sadaqeeye aabahey macan, iyo abtigey macan, iyo walaalkey macan, dhamaantood alle janada fardowse ha ka waraabiye, sido kale waxa aan alle ka balan qaaday in aan u sadqeyn doono buugeeya koowaad hadii aan helo wax aan ku taamaye maantane waan helay alxamdulilah. Buugaan ma jirto cid xuquuqdiisa sheegan karto, oo waa Free xuquuqdiisa.

2 Xikmadood aan soo qaato

"Jaceelka aadamuhu naceeb woo isku badali karaa balse jecelka alle Isma bad badalo"

Saaxiib waa hubaal in jeceylka aadamaha oo is bad badalo waxaana tusaale: kuugu filan dhacdooyinka aad maalin kaste la kulanto adiga ama aad ka aragto baraha bulashada, waxa aad la kulantaa ama noloshaada ku soo biiro saaxiibo ama gabar lamaantaada ah, markaasaad aad iskugu dheeraataan oo waqti badan wadaqaadataan, dadkaas ey waayuhu idin kulansiiyeen markaas aad jeceel indha la, aan ah is jeclaataan, ilaa oo midkiin midka kale u maleeyo in uu ilaahey isagaba u abuuray, ka dib ayaa marar dhowr ah isku dhacdiin ilaa aad kala goosataan jeceelkiinaas, oo aad noqotaan labo lamaane oo midba midka kale xagaas ka dhaho: doqonkaas indhaha xun ma u jeedaa, aduunka isaga ayaa ugu necbahay ama doqontaas ma u jeedaa balaayada indhaha xune, aduunka ayadaa ugu necbahay.

Saxiib ogoow: dadka saas is oranaya waa kuwa aduunka isku jeclaay. Balse ilaahey mar hadii uu ku jeclaado inoo jeceylkiisa naceyb isku badalo waa ma dhacaan, oo ilaahey qofka oo jeclaado markiiba jibriil ayoo u yeeraa sida oo nabiga (scw) inoo sheegay ka dib ayoo ku yiraahdaa: anigu waxa aan jeclaaday hebel ee adine jecloow markaasow jibriil jeclaadaa, ka dib jibriil waxa oo u yeeraa ehelka samada ku dhax sugan markaas ayoo ku yiraahdaa: Alle waxa oo jeclaaday hebel ee idinkane jeclaada, markaasey ehelka samada jeclaadaan, ka dibne dhulka ayaa aqbalid ama jeceel loo dhigaa. Saaxiib wadada iyo jeceylka ilaahey woo kuu furan yahay ee noqo, hebelkaas jibriil loo oranayo jeclow jibriilne oo malaa igta sii farayo in ey jeclaadaan hebelkaas, bal kawaran hadii aad adigu ahaan la heed hebelkaas, bal kawaran hadii kan dunidaan iska leh ku jeclaado, bal kawaran hadii kan janada iska leh ku jeclaado, bal kawaran hadii kan ubadka bixiyo ku jeclaado, bal kawaran hadii kan dadka hodanka ka dhigo ku jeclaado, waa kaas jeceelka aad raadin laheed saaxiib. Saaxiib Jeceyl is bad badalaayo haku doorsan jeceel aan sinaba isku dooreen.

Xikmada 2aad

"Hadii ey xaqiiqadu ahaan laheed gabadh dadka oo dhan ayaa jeclaan lahaay"

Saaxiib oraahdaan waxa ey u egtahay mid kaftan ama majaajilo leh balse marka aad u fiirsato waxa aad ogaaneysa in ey wax jiro ka hadleyso, oo dhamaanteen ma jeclin xaqiiqada waxa ey tahay balse xaqiiqada anaga oo ka fir dhaneyno ayaa wax yaabo qaar ku dhacnaa tusaale: waxa ey badiba dadka sigaarka cabo marka looga waramo dhibtiisa ku hadaaqaan oo hadii oo dhibtaas oo dhan leeyahay maxey dhaqaatiirtu u cabaan, hadalkoodaan waxa ey ugaga fir dhanayaan xaqiiqada ah in uu sigaarku dilaay yahay.

Tusaale: waxaas oo dhan ka sii dhawne waxaa kuugu filan sida eynu uga cararno oo isku diidsiino xaqiiqada ah (geerida) Saaxiib geerida hadii ey wax qurux badan tahay dadka oo saas dhan uga fir dhanayo ma adaan aragteen. Saaxiib xaqiiqada si walba oo ey u qaraar tahay qaado, xataa jeceylkaada oo kaa tagayo ha ahaado amaba saaxiibkaa oo dhabarka kaa toogtay xata ha ahaado ee waligaa xaqiiqada ha is diidsiin.

Saaxiib Xaqiiqadu waligeed xaqiiqo ayee ahaan mala awaalkane mala awaal uun.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 204 Page
Size: 800 KB

1 thought on “BEERTA XIKMADAHA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *