BARASHADA DAAWADA PDF

Pharmacology:

Waa cilmi lagu barto waxtarka waxyeelada isticmaalka iyo qiyaasta daawada.
Erayga pharmacolgy, waxa uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah:

1. Pharmaco: uu micnihiisu yahay daawo.
2. logy: uu micnihiisu yahay barasho.

Asal ahaan erayga pharmacology waa eray afka giriiga ah waxaana loo aqoon jiray pharmacon oo micnihiisu yahay daawo.
Drug: erayga drug waa eray kayimid french micnihiisu yahay daawo, loona aqoon jiray geedihii qalalnaay (dry herb).
Rudolf Buchheim: waa shaqsigii ugu horeeyaya ee sameeyay goobaha lagu barto cilmiga daawada (pharmacology). Waxaana lafuray goobtaas taariiqdu markay ahayd 1847 wuxuuna udhashay dalka jarmalka.
Parmacology has two major brach:
Pharmacology waa 2 laamood oo waa weyn oo kala ah:
1. Pharmacokinetics.
2. Pharmacodynamics.

1.Pharmacokinetics: Waxa uu ka hadlaa waxa ay daawadu jirka ka qabato (what the body does to drug) ugu horeyntii marka uu qofka qaato daawada, jirka daawada waxa uu ku sameeyaa 4 marxaladood oo kala ah.
1. Absorbation
2. Distribution
3. Metabolism
4. Excretion/ elimination
1. Absorbation: waa habka nuugista daawada kunagasho dhiiga dawooyinka afka laga qaato ayaa lagu sameeyaa.
2. Distribution: waa habka ee daawada ugu baaheyso jirka waxaana xanbaara dhiiga si uu ugu baahiyo jirka.
3. Metabolisam: Waxa uu badanaa ka dhacaa beerka waxaa kale uu kadhici karaa meelo kale sida:
• Palasma
• Kidney
• Lung
Metabolisam waa hab kiimikeed oo dawada looga dhigaayo mid waxtar leh (active) oo wax qaban karta.

2. Pharmacodynamics: wax uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah:
1. Pharmaco = drug
2. Dynamics = ation/power
Pharmacodynamics: Minihiisu waa waxa eey dawadu ku sameeyso jirka noolaha waxyeelo ama waxtar.
Pharmacodynamics: waxaa kale uu kahadlaa falgalka kiimikeed ee jirka kadhaca marka daawada laqaato iyo meelaha ay dawadu tageeyso iyo qaabka ay wax oga qabaneeyso.
Waxaa jira waxyaabo saameen ku yeelankara awooda iyo waxtarka daawada. Waxaana kamid ah:
• Da'da qofka (age)
• Daawada oo daawo kale lalaqaato
• Kuurada dawada laqaatay (dose)
• Jinsiga qofka (male/female)
• Nafaqo dari (malnutrition)
• Daawada oo ad keeysi yeelat (resistant)
• Jiin qaldamay (genetic mutation)

Pharmacotherapeutics: waa cilmigii pharmacologygii oo lugu daray kan daweynta.
Qofka farmashiistaha ah waa in uu yaqaanaa xanuunka taasoo usahleysaa in uu ogaado xeriirka kadhaxeeya daawada iyo xanuunka.
Pharmacotherapeutics: waa laf dhabarta daawada.
Pharmacotherapeutics Wuxuu inta badan awooda saara:
• Selection: daawada ku haboon.
• Dosage: xadiga ku haboon.
• Duration: Mudada ugu haboon.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 145 Page

3 thoughts on “BARASHADA DAAWADA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *