AWOODA CAQLIGA DAAHSOON PDF

HORDHACA BUUGA

Waxa kugu dhex duugan awood dahsoon.. Awood aan la dhayalsan karin taas oo kuu horseedaysa isbeddel nololeed marka aad barato sida ugu wanaagsan ee loo adeegsado. Awooddaasina waa caqligaaga dahsoon.

Dadka badankiisu ma garanayaan awoodda caqligooda dahsoon sababtuna waa in aanay fahmin waxa uu yahay iyo sida uu u shaqeeyo caqliga dahsooni.

Waxa laga yaabaa in lagu aaminsiiyey in caqliga dahsooni yahay shay cajiib ah ama mucjiso ah. Xaqiiqadu se waxa ay tahay caqliga dahsooni waa qayb ka mid ah qaab dhismeedka maskaxdaadu u shaqayso.

Xaqiiqatan caqliga dahsooni waa waa mid aad u awood badan, waxa aanan ugu yeedhaa Awoodda Qarsoon, sababtuna waa in aanay dadka badankiisu garanayn sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo loogana faa’idaysto.

Buuggani waxa uu daaha kaaga qaadi doonaa sida loo adeegsado awooddan qarsoon si aad isbeddel wanaagsan ugu samayso noloshaada.

Caqligaaga dahsooni waxa uu kaa caawin karaa in aad xaqiijiso yoolashaadda, ka takhalusto hab-dhaqannadaada aan wanaagsanayn oo aad ku beddesho hab dhaqanno fiican, in aad wanaajiso sawirka aad naftaada ka haysato, aad noqoto mid hal-abuurnimo leh, awoodna u leh in uu degdeg aqoon u kasbado iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Marka aad baratid sida ugu habboon looga faa’idaysto awoodda caqligaaga dahsoon, waxa aad ka dhaxlaysaa farxad iyo badhaadhe badan, guulo hor leh, dhaqaale wanaagsan, caafimaad fiican iyo xidhiidh awood leh oo ka qiimo badan intii aad waligaaba filaysay.

Buuggan waxa aynu ku ogaan doonnaa waxa uu yahay caqliga dahsooni, sida uu u shaqeeyo iyo sida looga shaqaysiiyo si aad dib ugu qaabayso una noqdo mid aad ku gaadho noloshii aad raadinaysay.

Balse ka hor inta aynaan bilaabin, aan kuu soo bandhigo oo aan kuu caddeeyo shay inta badan ay dadku ku dawakhaan. Marka aynu ka hadlayno caqliga soo jeeda iyo caqliga dahsoon,

waxa muhiim ah in aad ogsoonaato caqligu in uu mid kaliya isku yahay balse uu halkaagaas caqli uu u shaqeeyo laba qaab oo kala duwan, waanan sababta ay culimada cilmu nafsigu u siiyeen laba magac:
caqliga soo jeeda iyo caqliga dahsoon.

Inta aad ku jirto akhriska Buuggan, waxa in badan kugu soo noqnoqon doona labadan magac ee caliga, balse waxa muhiim ah in aanad ku dawakhin ee aad fahanto. gabi ahaanba waxa ay qabtaan laba shaqo oo kala duwan, balse waa isku hal xubin.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 47 Page

1 thought on “AWOODA CAQLIGA DAAHSOON PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *