ASTAAMAHA QOFKA HANKA SARE LEH PDF

W/Q: Cabdifataax Maxamuud Ducaale (Cajab).

Maxaa loola jeedaa Han sare?

- Han sare waxay ka dhigan tahay in qofku yaraysto caqabad kasta oo ka hortimaada inta uu hiigsanaayo yoolka uu rabo inuu gaaro.
- Han sare waa shayga kugu xanbaaraya in aad u istaagto oo ka mira dhaliso yoolka aad hiigsanayso. wuxuu yiri Cumar bin khaddaab: Hankaaga ha yarayn, waayo maan arag qofka wax curyaamiyah (saama-jiida) oo ka daran han yarida (hankiisa oo hoos u dhaca). Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa "lax waliba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa". taas macanaheedu waxaa weeye, hadba adigu meeshaa is dhigto ayaad ahaan, haddii aad han sare yeelato, meel weyn ayaad gaaraysaa haddii hankaagu hoos u dhacona waligaa liidnimada ka biximaysid.

Yaa kitaabkan ka faa'iidaysan kara?

Kitaabkan waxaa ka faa'iidi kara qofkii dhaqan geliya xeerkan soo socda, xeerkaasoo ah: ( haddii aad 100% aaminsan tahay oo rumaysan tahay inaad yoolkaaga gaari kartid waxaa hubaal ah inaad gaarayso, laakiin haddii aadan aaminsanayn oo rumaysan tahay inaadan gaari karin waxa hubaal ah waligaa inaadan gaarayn kana mira dhallinayn yoolkaad hiigsanayso ).

Sheeko gaaban

Waxaa jiray wiil, wiilkaasi wuxuu dhiganaayay jaamacad, maalin maalmaha ka mid ah ayuu wuxuu ku dhex hurdooday xiisad dhexdeed xiisadaasina waxay ahayd xiisad xisaab ah, wuxuu wiilkii ku soo kacay markii xiisadii dhamaatay qayladii iyo buuqii ardayda, markuu indhaha kala qaaday ayu wuxuu arkay laba masalo ama laylis oo uu Macallinku ku qoray sabuurada, isla markiiba wuxuu la booday qalinka iyo buuga isagoo raba inuu boobsiiyo oo qorto inta aysan ardaydu sabuurada tirtirin oo masaxin, wiilkii markuu qortay labadii masalo wuxu la'aaday guriga, markuu damcay inuu ka shaqeeyo wuxuu arkay inay yihiin laba masalo oo aad u adag, wuxuu muda la raftaba wuxuu ku guulaystay inuu ka shaqeeyo hal masalo, maalintii danbe markii lagaaray xiisadii Macallinka ayuu Macallinkii u geeyay masaladii uu ka shaqeeyay isagoo waliba u cududaaranaaya inuu ka shaqayn waayay midii kale, Macallinkii ayaa ku yiri "xiisadii ugu damaysay anigu wax waajibaad ah ama laylis ah idiinma dirin",

markaas ayaa ardaygii ku yiri : Macallin labadaan masalo waxaan ka qortay sabuurada markaad noosoo gashay xiisadii ugu damaysay, markaas ayaa Macallinkii ku yiri: "labadaas masalo waxaan sabuurada ugu qoray ardaydaan u sheegaayay in aan la xalin karin qof ka shaqayn karana uusan jirin", markaas ayuu ku yiri ardaygii: hade Macallin halmid ayaanba ka shaqeeyay tan kalena lagayaabe in aan ka shaqeeyo haddii aan dadaal dheeraada ku bixiyo. markaas ayaa Macallinkii yaabay oo uu qaadan waayay labadii masalo mid ka mid ah ayaa arday ka shaqeeyay.

Haddii aan fiirino sheekadaan waxaan is waydiin karnaa su'aalahaan soo socda, haddii ardaygaasi iska dhaadhicin lahaa inuusan ka shaqayn karin su'aalahaan maka shaqayn lahaa? haddii uu maalintaas uu dhagaysan lahaa xiisada Macallinkaas oo uu Macallinka ka maqlilahaa labadaan su'aalood lagama shaqayn karo, maysku dayilahaa inuu ka shaqeeyo ardaygaasi? maxaa keenay in Macallinkaasi ka shaqayn waayo su'aalahaan waliba uu ardaydiisa ka dhaadhiciyo in aan laga shaqayn karin, soo ma'aysan keenin inuu iska dhaadhiciyay in aan laga shaqayn karin? hadduu aaminsan yahay in laga shaqayn karo soo kama shaqeeyeen?

Haddaba walaalayaal waxaad ogaanaysaan xeerkaasi qiimaha uu ku fadhiyo oo ah, wax aadan rumaysnayn in aad ka salgaarayn kama sal gaari kartid.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 136 Page

1 thought on “ASTAAMAHA QOFKA HANKA SARE LEH PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *