ARDAYGA WANAAGSAN (FREE)

HORDHACA BUUGA

Buugga ardayga wanaagsan waa buug aad ukooban lakiinse micno wayn xanbaarsan, meel dheerna ardayga wax ka tusaya, buuggan waxaan ugu talagalay inay ka faa'idaystaan ardayda waxbarashada heerka sarre, sida kuwa dugsiyada sare iyo kuwa jaamacadaha dhigta, si ay uga dheeh daan macluumaad badan oo ku saabsan sidii ay ku hor marin lahaayeen naftooda, iyo sidii guul iyo baraare ku gaari lahaayeen. Inta badan ardaydu waxay ku jaah wareeraan wax barashada, sababtoo ah waxaysan ardayda inta badani aqoon sida looga faa’idaysto wakhtiga, sida loo maareeyo wakhtiga, sida loogu dhaqmo wakhtiga,

sida loo samaysto jadwal waxbarasho iyo mid shaqo, sida loogu dhaqmo jadwal, iyo waxyaabaha looga baahan yahay si ay usamaystaan jadwalka. Waxaa kaloo oo aad buuggan ka baran doontaa, sida loo noqdo arday wanaagsan oo macalimiintiisu iyo ardaydiisu jecel yihiin, sidii aad wax barashada ugu halgami lahayd, sidii aad imtixaanka ugu diyaar garoobi lahayd guulna uga gaari lahayd wax barashada.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 31 Page
Size: 861 KB

2 thoughts on “ARDAYGA WANAAGSAN (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *