ANIGU WAXAAN AHAY ADIGA (FREE)

Billowgii Sheekada

waxaan ahaa qof bilaa hadaf ah, nolol maalmeedkaygu waxa uu ka koobnaa in aan wax cuno, seexdo, tooso, wakhtiga aan wax dhiganayo in aan dhigto waqtiyadayda kallana asxaabtayda aan iskalla qaato, mar aan telephone kala hadlo iyo mar aan si toosa uwada joognoba, ma moodayn haddana in ay wax iga dhiman yihiin. Waxaan ahaa , qof aan fikirin marmarka qaar waxaa igu soo dhici jirty oo kali ah aanan ka fikiri jiray lacag ayaad u baahantahay oo kali ah, waxaan arki jirray dad aanu asxaab ahaan jirnay oo aniga iyo asxaabtaydu kula yaabi jirnay markay nagu yidhaahdaan, waxaas Ayaan rabbaa in aan qabto iyo haddafkaas ayan leeyahay, waxaanu u arki jirnay in ay yihiin qaar yar fudud amaba se iswaalaya. Wakhtigayga inta ugu baddan waxa aan kulumin jirray in aan social media ha iskaga jiro aniga oo wax u jeedo ah oo macno leh taas oo aan usoo galay aanay jirin,

waxa aan raadsan jiray wakhtigayga meel aan ku lumiyo waxa aan aaminsanaa in aan waxbarasho fiicani dalka jirin sidaa awgeed wax loo dadaalaba aanay jirin. Waxa aan rumaysnaa wax shaqo ladhaho in aan la helayn waayo dadkii iga horreeyayba waa kuwaas aan waxba haynin, waxaan ahaa qof aan isku kalsoonayn nolashana aan aad ugu fiirsanin wax walba oo agagaarkayga ka dhacayna caadi u yihiin waxa igu wareegsanaa xayndaab malo awaal ah oo aan samaytay anigu, waxa aan ku noolaa nolol ismoodsiis ah oo aan jillayay anigu. Waxay sidaas ahaataba wakhtiga iyo waayaha ayaa isbaddalay waxaa isoo waajahay carqalado badan, dhibaatooyin fara badan kuwaasi oo dhinacyo badan nolashayda ka gil-gilayay,

waa aan ka murgooday waxa aanan waayay cid I garab istaagta, waxa kale oo anaan waayay cid I dhiiri galisa, waxa aanan noqday qof niyad jabsan had iyo jeerna murugaysan naftaydana ololka ka dhex dhacaya aan cidina ila ogayn, wax aan noqday qof dhibaatooyinkiisa dadka asxaabtiisa ah usoo bandhiga, balse waa la igu dhibsaday taasi, wakhti kasta iyo goor kasta niyaddaydu may ahayn mid dagan , nolashii aan modayay in ay ila jirto ayaa cadow si lama filaan ah iigu noqotay, waxay nolashu I bartay in aan markii iigu horaysay iswaydiiyo su’aalaha ay kamid yihiin dhibaatoyinkan ihaysata maxay tahay?, halkee ayaa aan taganahay?, halkee ayaan usocdaa?, nolashaayda maxaa ka khaldan?, su’aalahan waxa ay ii fureen albaabo iga xidhnaa, waxa ay itusiyeen nolashayda dhabta ah waxa ay tahay.....

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 7 Page
Size: 200 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *