AFTAHAN PDF

HORDHAC

Buuggan Aftahan wuxuu ka hadlayaa habka gole ka hadalka ama fagaare ka hadalka habboon. Barashada xirfadda fagaare ka hadalku, waxay muhiim u tahay nolosha casriga. Si qofku ula jaanqaado noloshan cusub ee ku dhisan xidhiidhyada iyo falgallada bulshada, waxaa muhiim ah inuu yaqaano xirfadaha, qancinta iyo maaraynta cabsida golayaasha. Sidoo kale waxaa qasab ah inuu barto xirfadaha diyaarinta hadalka iyo halabuurka afkaarta. Sidaas awgeed buuggan wuxuu kuu soo gudbinayaa fahan ballaadhan oo la xidhiidha mawduucyada muhiimka u ah fagaare ka hadalka iyo u gudbinta fariinta habboon sida ugu habboon. Buuggan wuxuu ka kooban yahay todoba qaybood; oo mid walba ka hadlayso dhinac kamid ah dhinacyada gole ka hadalka ama mawduucyada sida tooska ah ula xidhiidha.

Taariikhda Aftahamada ilbaxnimooyinkii Hore

Taariikhda aftahamadu waxay la soo bilaabatay taariikhda aadanaha. Ibni’aadamku waxa uu mayeedhaanka uu uga duwan yahay waa hadalka, ibnu’aadan intii uu jireyna waxaa jiray hadal sidaasi daraadeed ayeey taariikh yahan iyo culimo badan u aamminsan yihiin in faagara ka hadalka iyo ibnu’aadan isku fac yihiin. Markii aadam la abuuray, wixii ugu horreeyey ee lagu sharfay wuxuu ahaa hadal. Waxaa la baray magacyada shay walba, ka dib malaa’igta ayaa lagu xujeeyey, inay sheegaan magacyada shay walba, markay garan waayeen na Aadan ayaa xujadii furay kuna guulaystay inuu u sheego dhammaan magacyada wax walba oo jira, Waxay ahayd nooc aftahammo ah.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 184 Pages
Nooca: PDF
Size: 2 MB
Lacagta: $2

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *