AANADII NEGEEYE PDF

HORDHAC

Buugga Aanadii negeeye waxaa laga heli karaa sheekooyin badan oo hab cilmi ah loo sawiray, waxay ku saabsantahay noloshii qofka soomaaliyeed kala soo kulmay Jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Muddadaas oo ku jeeniqaaran laga soo bilaabo dhammaadkii lixdamaadkii ilaa burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.
Buuga sheekada 'Aanadii Negeeye' runtii waa buug yaab leh sida la isugu duba riday. Farshaxnimada heerka sare ee loo qoray waxaad markiiba odhanaysaa ma arag buug kan la mid ah! Macnaha uu xanbaarsanyahay, sheekada xiisaha badan, fikerka dahsoon, dhaqanka, falsafada iyo dareen nafsadeedka intuba waxay ku tusayaan xeeldheerida mu'allifaka buugga iyo aqoonta durugsan ee uu u leeyaahay hal abuurka noocan ah. Sida uu fikradaha kala duwan si sahlan ugu soo gudbiyey erayo af soomaali fudud oo hufan aadna u qota dheer mararka qaar waxaad mooddaa in qaamuus af soomaali ahi hortiisa yaallo oo siduu doono erayada u kala xulanayo. Intan oo xikmad ah af soomaali ma lagu gudbin karaa?
Waa buug aan u arkay inta sheeko soomaali aan akhriyey kii ugu mudnaa. Waxaa hubaal ah qofkii akhriya buuggan 'Aanadii Negeeye' inuu kala kulmayo waayo aragnimo weyn.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 329 Pages
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: $2

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *