AABE QANI AABE FAQIIR PDF

RICH DAD POOR DAD SOMALI

Buugga AABE QANI AABE FAQIIR waa tarjumida buugga Rich Dad Poor Dad oo uu qoray 1997 Qorraagga Robert Kiyosaki, Buugga wuxuu u olaleynayaa muhiimada ay leedahay waxbarashada dhaqaale, iyo xornimada lacageed, iyo sidoo kale dhisida qaninimada iyadoo la maalgashanayo hantida shaqsiyadeed hadii ay noqon laheyd lacag, maskax iyo tamarta jirka. buugga wuxuu sidoo kale diirada saarayaa dhisida iyo maareynta ganacsiga, iyo muhiimada ay leedahay maareynta qulqulka lacageed ee shaqsiga, buugga wuxuu tixraacayaa nolosha Robert kiyosaki, ciwaanka "aabe qani" wuxuu ka yimid aabaha dhalay Robert Kiyosaki saaxiibkiis kaasoo lacag ku tabcaday hal abuurnimadiisa, usluubtiisa dhaqaale iyo maalgashiga, halka "aabe faqiir" uu ka yimid aabihiis dhabta ah kaasoo ku sheegay inuu noloshiisa dhan si adag u shaqeeynayay balse uu xornimo dhaqaale waligiis dhadhaminin. muhiimada bulshadeena soomaaliyeed uu u leeyahay buuggaan ayaa ah in midkasta oo anaga naga mid ah uu leeyahay awooda inuu isbadal ku sameeyo noloshiisa, asagoo gacanta ku dhigayo xakameynta mustaqbalkiisa dhaqaale, una noolaanayo qaabka qaninimo ee uu u qalmo.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 209 Page

6 thoughts on “AABE QANI AABE FAQIIR PDF”

  1. M.a aad iyo aad ayaa idiinku mahad celinayaa aniga oo Ahmed yare waadku mhdsan tihiin sida bilaashka ah aad noogu fududeeyseen bahda wax arqiska jecel aan aniga ka mid ahahay mhdsanidiin

  2. mohamed abdullahi kurtun

    aad iyo aad ayaad umahadsantiin cilmiye books sida aad noogu fududeeyseen book waliba sifudud ayaa ladiinka helayaa

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *