Markii ugu horreysay ee aan arkay iyada waxaan dareemay dareen aad ula yaab badan, waxaan dareemay sida inaan ahay malaa’ig muuq banii aadam leh. Markii aan arkay wax walba waxa ay igu noqdeen layaab, xamaasaddayduna waxa ay noqotay mid dagdag ah, ma garanaayo waxa igu dhacay, waxaan dareema sida in aan ku dhex jiro godka jaceylkeeda... Markii aan dhageysanaayay sheekadeeda waxaan marwalba si mug leh u dhageysanaayay tafaasiisha erayada kasoo baxaayay gunta qalbigeeda, sida in ay caqligeyga ka dhex raadineyso meel ay dagto... Had iyo jeer waxaan aad uga fikiri jiray wax walba oo iyada ku saabsan xitaa waxa ugu yar, in kastoo ay aad u yareyd sheekadeenna, balse waligeed kama aysan bixin maskaxdeyda xitaa hal daqiiqo... Maxaad qalbigeyga u gashay aniga oo markii hore go’aan adag ku qaatay in aanan waligey cidna jeclaan, balse wax walba waxa ay ku dhaceen si kadis ah...
Magacaygu waa cumar mohamed abdulaahi