Ducadu waa cibaado , waana laf-dhabarta cibaadada , waa
astaan muujinaysa in aad u baahan tahay mawlaha
awoodda badan , ducada waa lagu baahi baxaa , Allena
wuxu yidhi : "I barya waan idinka aqbalin’e” . Maanta waxaynu joognaa duni isu furantay,
mashaakilkeeduna batay kolkii baahidii qofka iyo taagtiisi
kala badatay , taas oo keentay xanuun nafsiya sida
murugada , warwarka , walbahaarka , walaahow,
dhibtaa jirta maanta waxan kaga bixi karnaa
baryada Alle. Maanta waxaynu joognaa duni gaalo hogaanka
maamul iyo aqooneed , sidoo kale dhaqaaleed iyo
siyaasadeed ay gacanta ku hayso , taas oo keentay in diintii laga xuubsiibto , si diinteenna aynu ugu sugnaano waxa
inna sugaya waa baryada Alle .
اللهم يا مقلب القلوب ثبت قلوبنا على دينك
Buuggan yarahan kooban waxan ku soo bandhigi doonaa muhiimadda baryada Alle leedahay , Adaabta ducada,
Sababaha ducada lagu aqbalo , xilliyada ducada la aqbalo , qaar kamida qisooyikii dadkii ducada laga aqbalay , iyo waxyaabo kale oo muhiima.
alle haku sharfow