Buuggaan waxa aan ku soo aruuriyay, ama aan ku soo koobay, gabayada iyo heesaha aan curiyay qayb ka mid ah, kuwaas oo aan isleeyahay bulshadu waxa ay ka heli kartaa, micno iyo murti aad u weyn, ayna ka dheehan karaan oraahyo xambaarsan erayo ay ku lifaaqan yihiin micno iyo murti aad u dhumuc weyn oo si xikmad iyo xilkasnimo leh looga soo shaqeeyay, gabayada buuggaan ku xusan inta badan waxa ay ku saabsan yihiin, hogo tusaaleyn iyo dhiirigalin loo jeedanayo bulshada soomaaliyeed, si ay uga waantoobaan, qabyaalada iyo isquursiga ka reebay qabiilooyinka aduunka, sababna ugu noqotay inay sodon sano iyo wax ka badan ay si micno la,aana isku laayaan.