Ma iswayddiisay sababta dadka qaarkood ay u yihiin kuwo mar walba faraxsan, kuwo mar kasta murugsan oo xidhxidhan, kuwo kale oo aan farxad iyo murug midna ku sugnayn. Sida oo kale ma iswayddiisay maxa kala duway dabciga bani aadanka? Maxaa loo arki wayay dad isku dabci ah, sida muuqaalkoodu uu mar marka qaar uu isku mid u noqdo. Ugu horreyn, aragtiyaha shakhsiyaddu waa ay badan yihiin oo culimada cilmigan, qaar ba dhan ayay ka eegeen tusaale ahaan: qolo ayaa waxay ka eegtay dhanka deegaanka, qolo kale ayaa waxay ka eegeen dhanka dhalashada qofka. Haddaba, aragtiyaha ugu caansan cilmiga shakhsiyadda waxaa ka mid ah aragtiyaha loo yaqaan 'Introvert iyo Extrovert' oo macnahoodu yahay, aragtida dadka 'bulshaawiga' ee furfuran iyo aragtida dadka 'dagan' ee aan dad dhexgalka la hayn.
Dhammaanteena waxa aynnu markhaati ka nahay in ay jiraan asxaabteenna kuwo aad u hadal badan, kaftan badan oo bulshaawiyiin ah, isla markaana dad dhex gal leh, sidoo kale waxa aynnu leennahay asxaab badan oo dagan, af gaaban oo aynna dadka si fudud isku baran. Labadan aragtiyood badanaa waxa lala xidhiidhiyaa sida uu qofku u soo barbaaray, cidda barbaarisay, meesha uu qofkaas wax ku bartay, oo waxaa la dhahaa qofka bani aadanka ah saddex wax ayaa saamayn ku leh dabcigiisa iyo shakhsiyaddiisa, waxaana ay kala yihiin: deegaanka uu qofkaas ku nool yahay, meesha uu wax ka bartay iyo guriga uu qofkaasi ku soo barbaaray.
In badan waxa ay indhaheennu qabtaan, dad aamusan oo aan hadal oo badanaa keligood iska socda, iyo kuwo kale oo kaftan iyo qosol badan. Culimada cilmiga naftu waxa ay asteeyeen in dadka noocan ah luuqadda cilmiga-nafsiga looga yaqaan (Extrovert and Introvert), Sidaas awgeed, si shakhsiyadda qofku u wanaagsanaato waa in la hagaajiyo xidhiidhka qoyska, deegaan wanaagsan iyo iskuul iyo malcaamad wanaagsan. Deegaanka keliya ma aha goobta qofku ku nool yahay, deegaanka waxa ka mid ah: Tv-yada, moobillada iyo tiknoolojiyadda oo dhammaan iyaguna waxa ay leeyihiin saamayn taban iyo mid toganba.
Innaga Soomaali ahaan ma lihin hab barbaarineed oo ilmaha keliya waa aynnu dhalnaa oo waxa aynnu ka adag nahay cuntadooda, laakiin ubadku waxay cuntada uga baahi badanyihiin dhanka maskaxda. Soomaalidu waxa ay tidhaa, ninba inta uu cunuu ciidamiyaa, oo laga wado qof walba wixii uu tabcado ayuu heleyaa, ee aynnu tabcanno shakhsiyad wanaagsan, taas oo inna dhaxalsiinaysaa dhaqan wanaagsan, aqoon iyo wax taridda nafta iyo bulshada.
I wanna quality books
Thanks walalo
waad mahadsantihiin