Dhiganahan kooban waxaynu ku dul joogsan doonnaa wahsiga
iyo caajiska. Aan ku bilawno su'aallo kala duwan oo dadku
iswaydiiyaan, balse inta badan jawaabahooda ay isku waddo
mariyaan.
Haddii aan ku bilowno wahsi: wahsigu waa daal maskaxeed ku
dhaca dadka, Kaasoo yareeya doonista iyo firfircoonida shaqsiga.
Caajisku waa daal jidheed ku dhaca dadka, kaasoo keena wax
qabad la'aan qofka oo doonaya in uu wax xaqiijiyo. Caajisku
darajo ahaan waa uu ka hooseeyaa wahsiga. Waa tamar darro
ruuxi ah oo ku dhacda awoodda qofka.
Wahsi iyo caajis waa laba erey oo kala duwan dhawaaq ahaan iyo
macna ahaanba, laakiin qoraallo badan aad ku arkayso labadan
erey oo isku macno ah, qoraayaduna ay isticmaalaan kolba kii
carrabkooda ku soo horreeya.
Ibnu Xajar markuuu kala saarayay laba erey waxa uu ku macneeyay sidan: "wahsigu waa qofka oo waxba qaban kari
waaya isaga oo awooddii iyo xooggii leh, cajisku waa qofka oo doonaya in uu wax qabto haddana aan awoodayn."
Sheekh Cayni Eebbe ha u naxariistee waxa uu ku sheegay
sharaxa sunanu Abii Daa'uud markii uu sharraxayay xadiiska:
"Ilaahow waxaan kaa magan gali caajiska iyo wahsiga", Waxa uu ku macneeyay "caajisku waa qofka oo awoodi waaya ficilada khayrka, wahsiguna waa nafta oo aan isu dirayn waxa wanaagsan iyo rabitaanka qofKa oo yaraada isagoo wax suurto galin kara.
Waa maxay wahsigu?
Wahsigu waa mid ka mid ah
xanuunnada macnawiga ah ee faraha ba'an ku haya bulsho waynta
caalamka, waxaana la sheegaa in dhammaan dadka laga helo
dabeecaddan wahsiga, laakiin lagu kala duwan yahay heerka uu
gaadhsiisanyahay. Binii-aadamku waa noole aad u raaxo jecel, sida oo kalena aad u horumar jecel. Waa laba ammuurood oo aad u kala durugsan maah'maah Soomaaliyeed baa odhanaysa:
"Dhib dabadii bay dheefi timaaddaa ". Halkaa waxaa innooga cad in dhibka, rafaadka, quus la'aantu ay tahay waddada lagu gaadho guusha, raaxada iyo horumarka. Waddadaas hareeraheeda waxaa daadsan oo buux dhaafiyay wahsi oo doonaya inuu wakhtiga kaa dilo dabadeedna kuu horseedo fashil, guul darro iyo mustaqbal madow.
Noocyada wahsiga:
wahsigu waxa uu dadka ugu dhacaa siyaabo kala duwan, waxaana la gu soo koobi karaa labo nooc oo waawayn kuwaas oo kala ah:
1. Wahsi saameeya dabeecada qofka (Behavioral Procrastination).
Wahsiga noocan ah waa mid aad u xun, wuxuuna ka dhigaa qofka
mid markasta diida inuu ficil sameeyo isagoo isku qancinaya inay jirto cagabad hortaagan. Tusaale ahaan in qofku iska dhaadhiciyo in uu wakhtigu ku yaryahay oo uu san hawl qaban karin, ama naftiisa ka dhaadhiciyo oo uu cududaar uga dhigo in uu san awoodin innuu hawshaas qabto oo ay u baahan tahay awood iyo xirfad uu san isagu lahayn. Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ahi inta badan waa dad kalsooni yar markastana ku fashilma inay
wax qabtaan, hase ahaatee markasta fashilkooda sabab usameeya.
2: Wahsiga saameeya go‟aanka qofka (Decisional Procrastination).
Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ah waxaa ka luma go'aanka wayna ku adagtahay inay wax qabtaan, dadkani waxay aad uga baqaan inay khaldamaan, waxayna raadiyaan mar walba in ay helaan xaalad jawi daggan oo ay waxkasta saxaan kahor inta ayna
wax qabanin, taasina way ku adkaataa kadibna waxay ku kaliftaa
in ay noqdaan wax qabad la'aan.