Riyada waxaa lagu micneeyaa haddii la qeexayo fasiraado kala geddisan. Balse, Dhiganeheenan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qeexitaan kooban, oo ku saabsan riyada iyo waxa ay tahay. Riyadu waa silsilado isku xidhiidhsan oo khayaali u badan, kana dhacda huradada dhexdeeda. Halka marmar ay tahay wax aan isku xidhiidhsanayn, run iyo waxyaabo badan oo qayrul macquul ahna laga heli karo.
Ka sheekaynta riyooyinka wakhtigan xaadirka ahi waa mawduuc aad u mihiim ah. Maxaa yeelay xaqii iyo baadilkii ayaa iskaga keen qaldamay. In ka mid ah dadka ayaa waxa ay ku talax tageen fasiraadda riyooyinka, oo halkii diinta islaamku inoo xadaysay dhaafiyey. Kana dhigay in riyadii waajibaad sharciya laga fahmayo.
Kuna saabsan cibaadadii, dhimashadii, noloshii, nebinimadii, arsaaqdii iyo qaybkiiba, oo aan illaahay mooyee cid kale garan kirin. In kale oo dadkaa ka soo horjeeda, ayaa fudaydsaday riyadii, oo ka soo qaaday in ay tahay wax been ah oo aan jirin. Qofka riyoodaana u bahan yahay in dhakhtar naf-siya loo geeyo si looga dabiibo cudurka haya.