Guurka waxaa loogu talagalay, in lagu muujiyo Jacaylka aan
shuruudda iyo danaha goonida ah aan laheyn. Waa jacayl
markasta kordha mana lahan meel uu ku dhamaado. Marka
lamaanaha ay isku guursadaan, iyaga oo isku qanacsan, waa
farxadda ugu awoodda badan ee la dareemo,
Guurkuna waa
guusha jacaylka, waa bilowga qoyska, waana xarig guntin si
adag loo suntay oo ballanqaad nololeed ah.
Ma rabtaa in aad dhisato jaceyl aan dhammaad laheyn?
Ma yahay jaceylkan midkii aad rabtay in aad ku noolaato?
Buuggan, waxaan kuugu soo koobay, wax walba oo aad u
baahan tahay, si aad u xulato lammaanaha kugu haboon iyo
sidii aad uga dhigan lahayd guurkaaga mid ku dhisan
kalgacayl iyo naxriis.
Dhiganahan wuxuu kaa caawin doonaa waxyaabaha aad ka
ogaan kartid xilliga shukaansiga iyo xaqiiqada dhabta ah ee
qofka kale, adiga oo aan la dhaqmin iyo sida loo ogaado
qofka sida dhabta ah kuu jecel. Sidaasi oo kale waxa aad
dhiganahaan kaga bogan doontaan, marka aad guursataan
waxyaabaha keena farxadda joogtada ah ee lammaanaha, iyo
sida marka ay is faham daro timaaddo aad ugu dhax bixi
laheydeen si wadajir ah.
Haddaba buuggan, markii aan qorayey, waxa aan xoogga
saaray, in uu noqdo mid si fudud qofkasta ugu hagi kara
liibaanta nolosha guurka, sidaa darteed, waxaana in badan
ku mashquulsanaa, in aan kulmiyo aragtiyada iyo
daraasadaha laga sameeyay guurka ka hor iyo ka dibba,
aniga oo mar kastana kaashanayay khibraddeyda
Shakhsiyadeed iyo khibaradaha dadka ku xeel dheer
arrimaha shukaansiga iyo haasaawaha,
kuwaasi oo haddii
aan si kale u dhahana noqonaya waddada rajada ee loo sii
maro xodxodashada iyo aayatiinka guurka.
Ujeeddada aan u qoray buuggan:
Markii aan arkay, dhallinyaro fara badan oo aan saaxiibbo
nahay rabana, in ay guursadaan, haddana ka baqanaya
guurka, sababta oo ah, waxa ay dhibaato ka heystaa, sidii ay
u xulan lahaayeen lammaanaha dhabta ah ee ku habboon, in
ay nolasha la wadaagaan,
sidoo kale markii aan la soo
kulmay wiilal fara badan oo aan saaxiibbo nahay iyo gabdho
aan is naqaanno oo aan qaarkood goob joog u soo ahaa
guurkooda, kuwaasi oo aan gadaal ka maqlay, in ay kala
tageen ama uu calafkoodu muddo gaaban ku soo
dhammaaday.
Marka ay arrintu sidaa tahay, waxaan is tusay, in ay
jirto baahi bulshadeed loona baahan yahay, in la qoro Buug
wacyi gelin ah,
kaa soo qof kasta oo raba, in uu guursado ku
jiheynaya waddada ugu fudud ee uu ku dooran lahaa
lammaanaha saxda ah ee ku habboon iyo weliba
lammaanaha is guursaday, sidii ay noloshooda u noqon
lahayd mid ku dhisan Jacayl, ixtiraam, kalsooni, amaano,
wadajir, tixgalin, tanaasul iyo is kaalmeyn.
Sidoo kale, waxaa aad iyo aad i sii dhiirri geliyay
xadiiska Nabiga S.C.W ee uu ku leeyahay: "Allaah wuu
caawinayaa addoonka inta uu yahay mid garab taagan
walaalkiis". Ma jirto adduunka wax aan ka jeclahay, in aan
arko qoysas Soomaaliyeed oo Buuggeyga u horseedo jacayl
& horumar joogta ah.
Waxaan Alle (s.w.t) ka rajeynayaa, in uu Buuggan ka
yeelo hagaha rasmiga ah ee guur doonka iyo in uu ka dhigo
Buug ay lammaanaha is guursaday ku kaalmeystaan, sidii
ay ugu wada noolaan lahaayeen nolol tan ugu
degganaashaha badan oo ay ku dheehan tahay isku kalsooni
qab farxad iyo jacayl wadaag ah.
Jaceyl aan dhamaad laheyn
Aad ayaa ugu faraxsanyhy